Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah isaga Diiwaan galiyey Guddiga Doorashada Xilka Madaxweynaha (Sawirro)

0
173

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu si rasmi ah isaga Diiwaangaliyey Doorashada Xilka Madaxweynaha,waxaana la gudoonsiiyey Shahaadada Musharaxnimada.

Musharax Dr.Siciid Deni oo si diiran ay u soo dhaweeyey Guddiga Doorashada ayaa maray Dhammaan Shuruudaha laga rabay in ay buuxiyaan Musharixiinta,waxa uuna u mahadceliyey Guddiiga Shaqada Culus ee ay ku jiraan.

Musharax Dr.Siciid Deni oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyey Waqtiga loo qabtay in ay dhacdo Doorashada Dalka,waxa uuna rajo Fiican ka muujiyey in uu xilkaasi ku guuleysandoono.

Musharax Deni ayaa dhammaan Ummada Somaliyeed ugu Baqaay in ay Niyadda Kheyr u sheegaan,wax walbana ayu dhici doonaan sida ay Bulshada rabto.

Musharax Dr.Siciid Deni ayaa ugu Danbeyn ku baaqay in Doorashada Xilka Madaxweynaha laga fogaado wax walbo oo keeni kara ku shubasho,waxa uuna Guddiga Doorashada kula dardaarmay in mas’uuliyadda loo igmaday ay u gutaan si ku dheehan Hufnaan iyo daah furnaan.

Musharax Deni ayaa ah Musharax heysta Taageeradda waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Somaliyeed,waxaana loo badinayaa in uu ku guuleysan doono Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya oo dhici doonta 8-da Bishada February 2017-ka

Musharax_Deni_Diiwaangalin_2017 (4) Musharax_Deni_Diiwaangalin_2017 (3) Musharax_Deni_Diiwaangalin_2017 (2) Musharax_Deni_Diiwaangalin_2017 (1)

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY