Golaha Musharixiinta Madaxweynaha oo Qodobo muhiim ah ka soo saaray Arimaha Doorashada (Sawirro)

0
211

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya ayaa waxa ay ka soo saareen Qodobo muhiim u ah Doorashada Dalka,waxa ayna soo dhaweeyey Xilliga loo qabtay in ay dhacdo Doorashada Dalka.

Musharixiinta ka soo qeybgalay Shirka ayaa isku raacay in Doorashada Dalka ay u dhacdo si ku dheehan Hufnaan iyo Daahfurnaan.

Musharixiinta ayaa ku midoobay in dalka uu ka dhaco Isbadal dhab ah.

Qodobada Ugu Muhiimsan ee Shirka ka soo baxay Hoos ka Akhriso.

In lagama maarmaan ay tahay in la dhowro Dastuurka iyo Sharciga Dalka u degsan

In la dhiso Habraac Cad oo lagu xaqiijinayo Maamul wanaag oo ay ku jirto Nidaam Maaliyeed  oo Hufan.

Qorshe cad oo lagula dagaalamayo Musuq-Maasuqa,Isla xisaamtan dhab ah hey’adaha Dowladda iyo Goloyaasha Sharci dajinta iyo Golayaasha kale ee ku shaqada leh ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanida Qaranka.

Wax ka qabashada Arimaha Nabadgalyada iyo Xoojinta Hey’adaha Amaanka iyo Nabadsugidda.

Xoojinta Xirirka Caalamiga ah,gaar ahaan in la adkeeyo Dowladdaha Gobolka iyada oo la raacayo mabda’a is tixgalinta,Ixtiraamka iyo Nabad kuwada noolaanshaha,lana adkeenayo iyada oo la hormarinaya Xiriirka Dowladdaha na daneeya. sidoo kale la dhowrayo Shuruucda Caalamiga iyo Hishiishyada ina dhexmara Inaga iyo Dalalka kale.

In Doorashada Dalka ay u dhacdo si hufan oo Daahfuran.

In Warbaahinta Gudaha iyo Tan Dowladda ay si siman ugu qeybqaataan Doorashada sida toos ah loo tabinayo iyo Arinta Dood-Wadaaga ee ay ku baaqeen Guddiga Doorashada Dalka.

In laga fogaado Qaaab kasta oo keeni kara Musuq-Maasuq marka loo codeenayo Xilka Madaxweynaha.

Waa in la sugaa dhammaan Aminiga Goobaha Doorashada.

Waa in la sugaa Amniga Musharixiinta oo si siman ay u wadaagaan Dhinaca Protocol-ka. Imaatanka iyadoo aan Jirin wax kala sareyn ah.

Shir_Musharixiinta (1) Shir_Musharixiinta (2) Shir_Musharixiinta (3) Shir_Musharixiinta (4) Shir_Musharixiinta (5) Shir_Musharixiinta (6) Shir_Musharixiinta (7) Shir_Musharixiinta (8) Shir_Musharixiinta (9) Shir_Musharixiinta (10) Shir_Musharixiinta (11) Shir_Musharixiinta (12) Shir_Musharixiinta (13) Shir_Musharixiinta (14)

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY