Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo Hambalyo u diray Gudoonka Cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ee la doortay.

0
546

Musharaxa u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Mudane Dr.Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Hogaanka Cusub ee loo doortay Golaha Shacabka Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somaliya,waxa uuna u rajeeyey in uu Eebe la garabgalo Xilka Culus ee loo igmaday.

Mudane Musharax Dr.Siciid Deni ayaa ugu Horeyn u Hambalbalyeeyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Pro.Maxamed Shiikh Cisman Jawaare”Waxaa Halkaan Hambalyo iyo Bogaadin ugu dirayaa Gudoonka Cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ,Gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari,Kuxigeynka Koowaad Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudey iyo Gudoomiye ku xigeynka Labaad oo loo doortay Mahad Cabdalla Cawad,waxaa soo dhaweenayaa sida Xurta ah ee loo doortay,waxaana leeyahay Illaahey ha idinla garabgalo Xilka Culus aad ku guuleysateen,waxaa Shacabka iyo Musharixiinta idinka sugayaan in si Caddaalad ah aad u maamushaan Doorashada Xilka Madaxweynaha,waxana Markale Hambalyo leeyahay Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka Somaliya”ayuu yiri Musharax Dr.Siciid Deni.

Mudane Dr.Siciid Deni ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay in Xarunta Golaha Shacabka lagu doorto Gudoonka Baarlamaanka,waxa uuna arintaani ku tilmaamay in Dalka u baahanyahay Isbadal Horseedi kara Horumar iyo Midnimo.

Musharax Dr.Siciid Deni ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu Cadcad ee laga yaabo in ay ku Guuleystaan Xilka Madaxweynaha Dalka,waxaana arintaasi si gaar ah u hadal haya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Shacabka Somaliyeed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY