Hoggaanka isbadeldoonka Siyaasadeed Ee Soomaaliya.

0
1159

Waxaa isbuucyadii u danbeeyay si isdaba jooga ugu  soo ururayey magaalada Muqdisho xubnaha cusub ee golaha shacabka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Waxaa mar kaliya indhaha dadku qabanayeen xubnaha golaha shacabka oo soo buuxdhaafshay hoteelada waawayn iyo baraha lagu qaxweeyo kuwaasoo inta badan lagu lafaguro halka ay wajahidoonto siyaasadda Soomaaliya sandda 2017.

Soo ururiddii iyo dhaarintii inta badan xubnaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxay rajo galisay sarena u qadday baahidii shacabka Soomaaliyeed u qabeen in dhidibada loo aaso nidaamka dowlladnimo iyo in mar labaad madaxwayne lagu doorto dhulka Soomaaliya kadib colaaddii sokeeye.

Waxaa mar kaliya sare u kacay hadal haynta musharixiinta loo malaynayo in ay leeyihiin aqoon, hufnaan, iyo khibrad shaqo oo gaarsiinsan karta hanashada kalsoonida xubnaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale baraha Internetka khaasatan Facebook iyo websiteyada buuxdhaafshay isbarbardhigga musharixiinta dhanka aqoontooda iyo kartidooda dowladnimo waxaase si hoose loo eegay amniga caasimadda oo faraha ka sii baxaya, isku socodkii dadwaynaha oo yaraaday, iyo dowladnimadii oo ku soo ururtay wadada Makkah Al-Mukarama. Waxaa la muujiyay baahida loo qabo sare u qaadidda nidaamka dowladnimo iyo tayada shaqaalada wasaaradaha. Waxaa mar kaliya la isla gartay baahida loo qabo helidda dib u heshiishiin dhaba, dhowrista hantida qaranka iyo u qareemidda shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa hadalhayntu u badatay musharixiin dhowra oo la saadaalinayo in ay dhawayn karaan codad ku filan. Waxaa durbadiiba soo ifbaxay hadalhaynta musharax madaxwayne Dr. Said Abdullahi Deni oo dad badi ku yaqaanaan howlkarnimo, karti iyo hufnaan. Ka sokow aqoonta iyo khibradda shoqo ee musharaxa, waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ku macneeyeeyn in musharax Deni yahay qof aan sinnaba looga baqayn leexsashada iyo ku takrifalka xoolaha umadda.

Dr. Deni wuxu aqoontiisa sare ee heerka jaamacadeed ku qaatay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ka hor burburkii dowladnimo.  In kastoo uu ahaa xildhibaan iyo wasiir hore, Dr. Deni kuma cusba indha shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sanado badan ka shaqaynayay dhanka waxbarashada isagoo maray intabadan gobolada dhalka xilli shaqo la’aanta darteed dhalinta Soomaaliyeed ku biireen burcad badeed iyo xagjir diineed. Wuxuu yaqleelay shirkado wax soo saar oo u iibgeeya badeecadaha wadanka gudihiisa iyo dibadiisa. Dadka yaqaannaa waxay ku amaanaan Dr. Deni “Amaanada iyo Runta”.

Dr. Deni wuxuu u taagan yahay soo celinta haykalkii iyo sharafkii dowladnimo,

dhowrista sharciyada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, arimaha caafimaadka, iyo u qareemidda dadka tabarta daran. Dadka siyaasadda adorasaa waxay Dr. Deni ku macneeyeen shakhsi leh Hogaan Dowladnimo iyo aragti midayn karta shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu leeyahay go’aan qaadasho dowladnimo isla markaana u taagan yahayna badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. Sifooyinkaas iyo qaar kaloo badan darted, Dr. Deni wuxuu mar kaliya noqday musharaxa loogu hadal haynta badan yahay baraha lagu falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya. Waxaa in badan oo shacabka Soomaaliyeed qireen in Musharax Deni yahay Hogaanka ISBADELDOONKA 2017.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY