Xildhibaan Khaliif oo hal abuuray aragti uu ku ururinayo codka dadka uu matalo.

0
151

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo laga soo doortay Hirshabeelle State ayaa unkay hannaan uu ku ururinayo aragtida dadweynaha uu matalo eek u aaddan musharraxa madaxweyne ee lagu aamini karo masiirka Umadda.

Xildhibaanku waxa uu latashiyo ka bilaabay magalooyinka Jowhar iyo Muqdisho kadib doorashadiisii, si dadka uu codkooda ku hadlo uu ula wadaago afkaartooda ku aaddan Musharraxa Madaxweyne ee u qalma in uu helo codka xildhibaanka.

Waxaana la daah furay hab ay ku codeyn karaan xubnaha qurba joogta iyo kuwa gobollada dalkaba, ayaga oo nidaam Online ah uga soo cod dhiibanaya Website yada Soomaalida.

Xildhibaanka oo ka hadlay sababta ku dhalisay in uu aragtida hirgaliyo ayaa qeexay in uu wada tashi ka dib qaatay go’aanka ah in si walba oo suuragal ah loola xog wadaago dadka uu codkooda ku fadhiyo si ay codkooda uga ilaaliyaan in uu kubaxo meel aan ku habbooneyn.

Aragtidan oo ah tii u horreysay ee nuuceeda ah eek a hirgasha masraxa siyaasadda ayaa ay dad badani soo dhaweeyeen, gaar ahaan bulshada labada gobol ee Hiiraan iyo Sh Dhexe , oo ah halka laga soo doortay Xildhibaanka qaran.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY