Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi”Waxaa ku baaqayaa in loo gurmado dadka uu soo riday Cudurka Shubanka ee ku Nool Tuulada Masuur”

0
297

Nabadon Cabdi Abuukar Mahdi oo ka mid ah Nabadoonada Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku baaqay in la gargaaro dadka uu soo ritay Cudurka Shuban biyoodka ee ku nool Tuulada Masuur oo hoostimaado Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Nabadoonka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Cudurka Shuban biyoodka uu ka dilaacay Tuulada Masuur ayna sii kordheyso Dhimashada iyo dadka uu soo ridanayo Cudurka Shuban biyoodka loona baahanyahay in Gurmad loo sameeyo dadkaasi”Illaa hadda kudhwaad Shan Ruux ayaa u dhimatay Cudurka Shubanka,tiro ka badan Tobaneeyo waxa ay la jiifaan Cudurkaan,Tuulada Masuur iyo Tuulooyinka ku hareersan ee Sabca Jaziira malahan Isbitaal,dadka uu ku dhacay Cudurkaan waxaa loo soo qaaday Jowhar,waxaa ku baaqayaa in Gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ku dhibaateysay Tuulooyinka uu ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka”ayuu yiri Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi.

Nabadoon Cabdir Abukar Mahdi ayaa sidoo kale Baaq u diray Maamulka Hirshabelle,Dowladda Federaalka iyo Cid walbo oo gacan ka geysan karto Caawinta Dadka ku dhibaateysay Tuulooyinka Sabca Jaziira oo hoosyimaado Degmada Mahaday.

Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka waxaana u geeriyooday dadbadan uu sooritay Cudurkaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY