(Sawiro) Wasaaradda Haweenka Puntland oo ka hadashay Buug Diinta islaamka.

0
102

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Horumarinta iyo Arimaha Qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa shir Jaraa’id Maanta ku qabatay Xafiiska Wasaaradda ee Magaalada Garowe.

shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Farxiyo Yuusuf Xeris Dhuunkaal iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/risaaq Nuux Maxamed Ciise (Hantiile) ayaa ka mid ahaa xubnaha Wasaaradda ee shirkan goobjooga ka ahaa.

SIdoo kale Madasha lagu qabanayay shirkan oo ahayd Xarunta Wsaaradda waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Difaacaha Xaquuqda Aaadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali.

Muhiimada loo qabtay shirkan waxaa uu ahaa in wasaaradda ay wax kama jiraan ku tilmaanto ku lug lahaanshiyaha buug lagu qeybiyay Xaflada 10ka Decemban oo ka hadlaya qodobo ka hor imaanaya Diinta islaamka iyo Dastuurka Puntland.

Wasiika haweenka Puntland Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay shaqsiyaadka ku bahoobay in ay marin habaabiyaan shacabka Puntland,iyadoo sheegtay in ay baaritaano ku hayaan dadka ka dambeeyay fal dambiyeedka la xeriira qeybinta buugaasi oo diinta islaamka si weyn uga horimaanaya.

Wasiirka haweenka ayaa soo qaadatay Qodobada 16aad iyo 18aad ee bugaasi kuwaasi oo dhigaya in qof walba uu qaadan karo diinta uu doono balse wasaaraddu aysan ka war heyn  ogaalka qeybinta buugaasi iyo waxyabaha ku qoran intaba.

ugu dambeyn waxaa shirkan soo xiray Gudoomiyaha Difaacaha Xaquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo sheegay in dhammaan xubnaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Culimada diinta iska wareysteen sidii looga hortagi lahaa kooxaha caadeystay in waxyaabo diinta islaamka iyo Dastuurka ka hor imaanaya Dalka ku faafiyaan.

Halkan Hoose ka dhageyso-  kana aqriso War saxaafadeedka Wasiirka Haweenka  iyo Gudoomiyaha Difaacaha Xaquuqda Aadanaha.

20 21 22 23 24 25 26

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY