(Sawiro) Wasiirada Arimaha Gudaha Puntland oo soo bandhigtay Sharciga Qaxootiga Puntland

0
85

Xubno ka tirsan golaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada puntland ayaa maanta magaalada Garowe kaga qeybgalay shir ay soo qaban qabisay wasarada Arimaha gudaha Puntland

Shirkan ayaa waxaa uu ahaa mid si rasmi ah oo lagu eegayay sharciga lagu dhaqayo qaxootiga ku sugan deganada Puntland.

Sharcigan maanta la soo bandhigay oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arimaha gudaha Puntland ayaa in mudo ah la soo waday waxaana uu soo maray dhammaan dhinacyada uu quseeyo.

Maxamed Saalax Maxamed oo ka socday xafiska hay’ada qaxootiga ADduunka u qaabilsan QM ee U UNHR ayaa uguhoreyn ka waramay muhiimada xiligan ku soo beegtay in sharciga la dejiyo.

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha sharci dejinta iyo Golaha fulinta Puntland ayaa si isku mid ah madashan uga hadlay iyagoo faah faahiyay muhiimada uu shircigan leeyahay……

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntlan Axmed Cilmi cismaan Karaash ayaa kulanka soo xiray waxaana uu sheegay in la sii xoojin doono kulmada Wasarada iyo golaha wakiiladda.

Puntland ayaa noqonaya maamul goboleedkii ugu horeeyay eek a jira Somalia kaasi oo si rasmi ah u dhaqan geliyay sharciga qaxootiga iyadoo dhawaan xubnaha golaha wakiilada la horgeyn doono si ay codka kalsoonida ugu qaadaan….

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY