War Deg deg ah Rag hubeysan oo la wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo oo lala Wareegay

0
144

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ay la wareegeen gacan ku heynta Bangiga Keyda Lacagta Gobalka Mudug.

Ujeedka ay ciidankan ula Wareegeen Xaruntan ayaa waxaa lagu shegay in ay taha ka dib cabashooyin badanoo ay ka muujiyeen mushaar la soo deristay Ciidanka dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Ciidankan ayaa waxay isku gidaameen Wadada dheer ee laamiga ah gaar ahaan wadada gasha Garoonka DIyaaradaha Magaalada Gaalkacyo iyagoo diiday in gudaha loo galo lagana soo baxo Bankiga Magalada Gaalkacyo.

Qaar ka Mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa wada qorsheyaal badan oo ku aadan sidii ay ciidanka uga saari lahaayeen Xarunta ay la wareegeen.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay aanu jirin wax mushaaraad ah oo ay qaateen Ciidamada ku sugan Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Magaalooyinka Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale ciidamada Amniga Puntland la wareegeen Bangiga keydka lacagta ee Magaalada Gaalkacyo sidoo kalena ay ciidamo ka tirsan la wareegeen Bankiga Magaalada Garowe,

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY