(Sawiro) Shirkadda Tayo ee Daawooyinka Puntland oo Xarun weyn ka Furatay Garowe.

0
64

Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlada Puntland waxaa maanta si rasmi ah xariga loogaga jaray Xarunta Tayo ee Daawooyinka Puntland.

Xaflada Xariga loogaga jarayay Xaruntan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland Madaxda shirkadda Tayo Qaar ka Mid ah dhaqatiirta ugu caansan Puntland iyo Marti kale.

Muhiimada ugu weyn ee Madashan loo furay ayaa waxay tahay sidii loo heli lahaa xarunta keydka Daawooyinka Puntland ee Tayo taasi oo in mudo ah howsheeda si weyn usoo socotay maantana lagu guuleystay.

Maamulaha Shirkadda Tayo ee Daawooyinka Puntland Faysal Axmed Waesame ayaa ugu horeyn madasha ka hadlay waxaana uu sheegay inuu u mahad celiyo dhammaanba xubnaha ka qeybgalay xafladan.

Sidoo kale Maamulaha shirkadda Tayo Faysal Axmed Warsame waxaa uu sheegay in mudo sanad ah ay soo wadeen qorsheyaashii dhaxalgalka ahaa oo ku aadanaa sidii howshan loo hirgelin lahaa.

Dhaqaatiir ka mid ah kuwa ugu caansan Degaanada Puntland oo qeyb ka ahaa Xubnaha lagu marti qaaday ka qeybgalka Xafladan waxay sheegeen in talaabadan ay aad u yareyn doonto dhibaatooyinkii lagu qabay Daawooyinka xiligooda Dhamaaday oo dalka la keeni jiray.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka Mid ah xubnaha Golaha Wakiiladda DOwlada Puntland ayaa dhankiisa aad u hambalyeeyay Madaxda Maamulka Shirkadda Tayo waxaana uu sheegay in tani looga bixi doono sidii looga hortagi lahaa in Daawoyin dhacay Dalka Yimaadaan.

Sidoo kale XIldhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad wuxuu sheegay in talaabada ugu muhiimsan ee howshan Madaxda Shirkadda Tayo ay ka leeyihiin ay tahay in la helo Daawooyin wax ka tari karo bukaanada u baahan in ay hellaan Daawoyin ay xanuunada haya la tacalaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha guud ee Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Dujaana ayaa ugu dambeyn Xaflada soo xiray waxaana uu sheegay in Dowlada ay ku rajo weyn tahay in ay taageerto shaqsiyadka Caynkaan oo kale ah ee waxyaabaha muhiimka ah soo kordhiya.

Ugu dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku hayaan Ganacsatada taasi oo lagu doonayo sidii lagu ogaan lahaa tayada Daawada in waxyaabaha Adeegyada ah ee Dalka yimaada.

Halkan hoose ka dhageyso Codka Maamulaha Shirkadda Daawadda Tayo Feysal Axmed Warsame.,

1 2 3 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 ddd img_9575 img_9576 img_9578 img_9579 img_9580 img_9582 img_9583 img_9584 img_9585 img_9587 img_9591 img_9592 img_9593 img_9595 img_9604 img_9607 img_9613 img_9621 img_9622 img_9623 img_9624 img_9660 img_9662 img_9663 img_9674 img_9675 img_9676 img_9679 img_9680 sax

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY