(Sawiro) Ardeyda Dugsiga Sare ee Gambool oo arin muhiim ah sameeyay.

0
85

Ardeyda Dugsiga Sare ee Gambool ayaa kaalin mug iyo miisaan leh ku yeeshay Taariiqda Puntland ka dib markii boos muhiim ah ay kaga soo dhex muuqdeen Taakuelynta Dadka ku waxyeeloobay Abaaraha ka jira Puntland.

Ardeyda Wax ka dhigata Dugsiga Sare ee Gambool ayaa mudo bil ah waxay ku howlanaayeen sidii ay dhaqaale baaxadweyn isaga soo Aruurin lahaayeen kuwaasi oo dhankooda muujinayay garab istaaga walaalaha ku dhibaateysan Abaaraha ka jira Puntland.

Deeqda lacagta ah oo ay iska soo Aruuriyeen Ardeyda Wiilaha iyo gabdhaha ah ee wax ka barta Dugsiga Sare ee Gambool ayaa waxay ku wareejiyeen xubnaha gudiga gurmadka Abaaraha Puntland.

Madasha lagu kala wareegayay Deeqda Cunada ah ayaa waxaa ku sugna xubnaha gudiga Cilimada Puntland iyo Wasiiradda Dowlada oo qeyb ka ah Gudiga uu Madaxweynaha Puntland u xil saaray wax ka qabashada Abaaraha ka jira Puntland.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Gambool Cali Suudani ayaa aad ugu mahad celiyay Ardeyda Dugsiga Sare ee Gambool waxaana uu sheegay in aysan ahayn Markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay Ardeyda Taakulo u sameeyaan,

Wasiirka Waxbarashadda Puntland Abshir Aw-Yuusuf Cisie  ayaa goobta ka hadlay waxaaana uu sheegay in taalabada ay ku dhaqaaqen Ardeyda Gambool ay tahay mid ku soo beegantay waqtigii loo baahnaa.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa aad ugu mahad celiyay Ardeyda waxaana uu sheegay in wixii ay la baxeen badalkeeda uu Allaah dib ugu soo celin doono.

 

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY