Cabdullaahi Goodax Barre oo ku Guuleystay Kursigii Aqalka Sare.

0
80

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku guuleystay Doorashaddii xildhibaanadda Aqalka hoose ee Barlamaanka Somalia taasi oo goordhow ka dhacday Magaalada Jowhar.

Kursigan uu ku tartamayay Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka Mid ahaa Kusrigii ugu adkaa ee dooarashaddii lagu qabto Magaalada Jowhar isagoo Goodax Mar kale difaacday kurisgiisa xildhibaanidmada Dowlada Somalia.

Doorashadan aya sacaado ka hor waxaa ka dhashay muran xoogan taasi oo keentay in ergooyinka ay ku kale aragti duwanaadaan habka codeynta doorashada musharax.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u taageeray xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare oo hellay 32 cod ee wareega doorashadda.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku soo baxay wareega labaad ee Doorashadda isagoo hellay 32 cod iyadoo Bille Xasan oo la tar tamayay xildhibaanka cusub uu hellay 18 cod hal codna uu xumaday.

Doorashada kursigan ayaa waxay ahayd mid aad u adag oo si weyn loogu tarmayay waxaana xiligan Magalada Baladweyne ka socota Dabaal daga lagu soo dhaweynayo xildhibaan CabdullaahiGoodax Barre.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY