Dagaalo Xoogan oo ka soconaya Koonfurta Gobalka Mudug.

0
60

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo taabacsan Maleeshiyadda Kooxda-Alshabaab iyo Dad xoolo dhaqata ah ayaa ka soconaya Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa si qaas ah uga soconaya Degaanada Dabagalo iyo Dumaaye oo ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Dadka ku dhaqan Degaanada ay Dagaalada ka soconayaan ayaa warbaahinta u sheegaay jiritaanka wararka sheegaya in uu soconaya Dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyada Alshabaab iyo Dadka Xoolo dhaqatada ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dagaalka oo xiligan soconaya awgeed aan si dhab ah loo ogaan karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka halkasi ka soconaya.

Dagaalkan ayaa salka ku haya ka dib markii dadka xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool si dhab ah u diideen in ay bixiyaan lacag Zakawaad ah oo Aruurinteeda Maleeshiyaadkaasi ka bilaabeen Degaanada ay gobalka kaga sugan yihin.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Gal-mudug Cismeen Ciise Nuur Taar Dhuleed, ayaa warbaahinta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo u sheegay in ciidankooda ay caawinayaan Dadka xoolo dhaqatada ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY