Amp Michael Keating oo Galmudug Cadaadis xoogan saaray.

0
68

Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meelgaarka ah Maamulka Gal-mudug waxaa maanta gaaray Wakiilka ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arimaha Dalka Somalia Michael Keating.

Michael Keating ayaa waxaa garoonka DIyaaradaha Cadaado ku soo dhaweyay Madaxda Maamulka Gal-mudug ka dibna loo gal biyay Madaxtooyada Magaalada Cadaado iyagoo ka wada hadlaya Arima dhowr ah oo ku saabsan Xaalada Doorashooyinka.

Tagista Mr Michael Keating ee Magaalada Cadaado aya ku beegmaysa iyadoo ay halkaasi ka soconayaan Doorashada xubnaha Aqalka Hoose Madaama beesha caalamka ay diideen xubno hore loogu doortay Cadaado oo xildhibaanada ka mid noqday.

Magaalada Cadaado ayaa saacadaha soo socda waxaa la filayaa in ay ka dhacaan kulamo kala gaar gaar ah oo ay yeelan doonaan Madaxda Maamulka Cadaado iyo Wakiilka QM Somalia Michael Keating.

Muhiimadda kulamadaasina waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii looga xaajoon lahaa heerka ay xiligaan marayaan Arimaha DOorashooyinka Aqalka hoose ee Dalka Somalia.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY