Dagaalo ka socda Gobalka Baay.

0
67

Wararka ka imaanaya Degaanka Goof-gaduud ee gobalka Baay ayaa shegaya in halkaasi uu ka soconayo Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Koonfurgalbeed Somalia iyo kuwa Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo laysu Adegsanayo hubka noocyadiisa kale ayaa dhawaqa rasaasta ay dhinacyadaasi adeegsanayeen waxaa si aad ah looga maqlayaa degaanada ka durug halka uu dagaal ka socdo.

Ugu yaraan toban ruux oo dhinacyada Dagaalamayay ka mid ahaa ku geeriyooday dagaalka oo saaka ilaa iyo xiligan ka soconaya degaankaasi Goog-gaduud ee gobalka Baay.

Lix ka mid ah ciidamada Maamulka Koonfurgalbeed Somalia oo dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in la geeyay cisbitaalka Magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu daweynayo.

Muxidiin Xasan Xusni oo ka  mid ah bahda Warbaahinta Baydhabo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaawaca ciidamada halkaasi la geeyay iyo Dagaalka ka socda Degaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Dagaalka oo xiligan socda ayaa la ogeyn qasaaaraha dhabta ah ee ka dhashay Madaama gurmadyo kale duwan ay dhinacyadaasi gaarayaan

Wixii ku soo kordha Dagaaladasi la soco goordhow Inshaa Allaah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY