(Sawiro iyo Codad) Hay’ada PHA Jaamacadda PSU iyo Hay’adda Qandaraas bixinta Puntland oo beeniyay in la musuq masuqay Mashuuca dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Garowe.

0
40

Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlada Puntland Waxaa Maanta lagu qabtay shir jaraa’id oo ay ka wada qeybgalleen Madaxda Hay’ada Wadooyinka Puntland,Maamulka Jaamacadda PSU iyo Masuuliyiinta Hayadda qandaraas bixinta Dowlada Puntland iyagoo beeniyay inuusan waxba ka jirin warar lagu qoray baraha bulshada iyo warbaahinta oo la sheegay in la musuq maasuqay dhaqaalihii loogu talagalay dhismaha wadada isku xirta Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

Maamulaha Jaamacadda PSU Xarunteeda Magaalada Garowe Maxamud Shiekh Xaamud ayaa ugu horeyn shirkan ka yeshay si qaldan loo faafiyay cilmi baaris ay Jamacaddu ka sameysay heerka uu xiligan puntland musuq maasuqa ka marayo.

Sidoo kale maamulaha waxaa uu sheegay in ay ilaa heer Maxkamadeeed isla tiigsan doonaan beeraha interneetka sida khaldan u faafiyay cilmibaarista jaamacada wax cadeyma ah oo ku sabsan cilmi barista jaaaacaddana uu siiyay websetka horseedmedia oo la sheegay inuu isaga soo daabacay warkaasi.

Gudoomiyaha Hay’;adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa dhankisa sheegay in si aan loo baahneyn loo faafiyay warbixinta ku saabsan heerka uu marayo dhismaha mashruuca wadada isku xirta Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.S

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’ada Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan waxaa uu xusay in ay wax kama jiraan tahay hadalka been Abuurta ah ee Hay’adda laga faafiyay taasi oo ku aadan in la musuq maasuqay lacagaha loogu talagahay dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo gaalkacyo.

img_0067 img_0071 img_0077 img_0084 img_0095 img_0099-2 img_0102 imgkl yi

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY