(Sawiro)_Dibadbax Alla Bari roob doona ah oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso.

0
71

 

Magaalada Boosaso ee Xarunta gobalka Bari waxaa maanta ka dhacay Dibadbax Alla bari roobdoon ah oo ku aadan sidii uu Allaah dhibaatada Abaarta uga dulqaadi lahaa shacabka Somaliyed.

Dibadbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobalka Bari Kan Degmada Boosaaso Gudiga Culimada,iyo duqeyda dhaqanka ku nool Magaalada Boosaaso.

Dibadbaxan ayaa waxaa ka qeybgalay Ardeyda Jamacadaha Dugsiyada Quraanka kariimka Qaar ka mid ah culimada Gobalka iyo qeybaha dhaqanka iyo shacabka ku nool Magaalada Boosaaso.,

Madasha lagu qabtay Dibadbax oo ahayd Garoonka Kubadda Cagta Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka hadlay Madaxda Maamulka Gobalka iyo kan Degmada iyagoo Allaah u baryay in umadiisa dhibaatada Abaarta uu ka dulqaado.

Sidoo kale Madasha waxa ka hadlay Qar ka Mid ah xubnaha Gudiga Culimada Puntland oo halkaasi Duco ka aqriyay shacabka ugu baaqay in ay is cafiyaan si uu Allaah dhibatada umaddii uga dulqaado.

22 1111 ff img_0002 img_0007 img_0012 img_0016 img_0019 img_0021 img_0025 img_0028 rob-don-1 rr

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY