(Sawiro Iyo Cod) Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeed SSC oo dhaliil kulul u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somali.

0
58

Magaalada Garowe iyo Xarunta Maamulka Puntland waxaa Manta lagu qabtay shir weyn oo isagu yimaadeen Qaar ka Mid ah Siyaasiyiinta XIldhibaanada iyo Wasiirada Dowlada Somalia ee ka soo jeeda SSC.

Ujedka ugu weyn ee kulankan aya waxaa uu ahaa mid lagu diidanayaa qaabka loo maamulay sadaxdii xubnood oo ay ku lahaayeen xubnaha Aqalka Sare ee Dowlada Somalia.

Xubnaha la tilmaami karo ee madasha ka muuqday ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Jaamac Jangali oo ka Mid ah Xildhibaanadii dhawaan ku guuleystay Doorashadii ka dhacday Magaalada Garowe Canab Ismaacil Maxamed Gudoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Somalia iyo mudani ka tirsan Baarlamaanka DOwlada Somalia.

Xubnaha Madashan ka hadlay ayaa waxay si isku mid ah u sheegeen in ay aad uga xun yihiin hadalka ka soo baxay Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Mudane Jawaari oo sheegay in guud ahaan 11k xubnood ee Aqalka sare  ay ka imaan doonaan Degaanada Somalia balse xubnaha ka soo jeeda SSC aysan waxba ku lehayn 11kaasi xunod.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY