(Sawiro)Beesha C/raxiin Ibraahiim oo bayaan kasoo saartay shirwayne ay beeshu uga arrinsanaysay nidaamka wax qaybsiga Puntland

0
72

Shirweyne muddo todobaadyo ah uga socday Beesha C/raxiim Ibraahim Deegaanka Misir iyo magaalada qardho ayaa looga hadlay arrimo khuseeya arrimo khuseeya beesha, waxaana ka qaybgalay Cuqaal, Isimo, aqoonyahano iyo indheer Garad.

Mudadii uu socday Shirweynaha ayaa looga hadlay Saamiga siyaasadeed ee dowlada Puntland taasi oo ay beeshu ku tilmaamtay inay ku dulmaneed mudadii ay jirtay Puntland.

Gabagabdii Shirweynaha ayaa laga soo saray war murtiyeed dhowr qoodob ka koobaan kaasi oo looga hadlay arrimihi lagu lafa guray shirka mudadii uu socday.

Hoos Ka Akhriso War murtiyeedka.

War murtiyeed ka soobaxay shirwaynaha Beesha C/raxiim ibraahiim

Waxaa mudo todobaadyo ah shirwayne ku lahaa Degaanada Misir iyo Qardho Qaybahaba kala du duwan ee beesha sida Isimada.Cuqaasha,Aqoonyahanada, iyo indheer garadka beesha Ee degan deeganada kala ah Dhaxan, iyo Misir,Kuwaas oo dhaca xadka guumaystihii Ingriiska. Hadaba shirkaas waxaa lagu gorfeeyay arimaha Deegaanka.Siyaasda.Nabad galyada. Intuu shirku socday waxaa si qota dheer looga hadlay saamiga beeshu ay ku leedahay xukuumada Puntland madaama beeshu kamid tahay qabaa ilada ku bahooobay aasaaska puntland ,  Gabagabadii shirka oo lagu qabtay magaalada Qardho waxaa laga soo saaray war murtiyeed qodobaysan waxaa kamida sidatan

1-      Beeshu waxay garwaaqsatay in mudadii ay jirtay puntland aysan marna si buuxda u helin saamigeedii siyaasadeed ee xukuumada puntland.

2-      Mudadii ay jirtay puntland deegaanada ay degto beeshu waxay ahaayeen  kuwo aan marna lagaarsiin adeegyada asaasiga ee bulshada.

3-      Beeshu waxay muujisay dulqaad iyadoo tix galinaysa midnimada iyo wada jirka umada reer puntland ee walaalaha.

4-      Beeshu waxay ku dhaliilaysaa xukuumada iminka talada haysa in ay ay sii laba jibaartay cadal daradii ay horay uga tirsanaysay nidaamka wax qaybsiga Puntland.

5-      Waxaa markii taariikhdu ahayd 15/5/2016 uu madaxwaynaha puntland uu xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Police Puntland Sareeyo guuto General C/risaaq maxamuud yuusuf Afguduud waxaana talabadaas ay beeshu uaragtay mid cadaalada ka fog taas oo ay sabab u tahay maadama mudadii uu xilka hayay general afguduud wax qabadkiisa ay kawada markhaati ka ahaayeen umada reer puntland iyo madaxwaynaha  puntland waxaa sidoo kale xilka qaadis aan lasababayn lagu sameeyay Saraakiil ciidan oo kazoo jeeda Beesha taas aad oo ay beeshu aaminsantahay  in ay xiriir la lahayd xilka qaadistii horay loogu sameeyay General Afguddud,

Sidoo kale beeshu waxay mudo cabasho ka muujinaysay xildhibaanada aqalka hoose ee dawlada fedraalka ah ay ku leedahay Puntland oo aynay beeshu ku lahayn xildhibaan. Beeshu waxay horaantii sanadkan ula tagaty madaxwaynaha puntland in uu xubnaha Aqalka Sare xubin ka siiyo xubin taas oo uu madaxwanuhu beesha ka balanqaaday lkn aan uusan fulin.

Beeshu waxay aaminsantahay in  Madaxwaeynahu qaabkii uu ku xushahay  xubnihii aqalka  sare ay ahayd mid cadaalada ka fog. Waayo beel kasta iyagaa kutartamaysay kursigooda marka laga reebo kursiga uu   ku tartamaayay jeneral  Moorgan oo uu ku darayTartamayaal magacyo beelo soomaaliyeed oo aanaan bahwadaag iyo degaan inama wadaagin,  taas oo cadayn u ah in  madaxwaynaha puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas uu san ku talagalin in beeshu kursiga qoonda ahaan u hesho.

Gabagabo

Kadib markii ay in muddo ah beeshu udulqadanaysay arrimaha aan kor kuxusnay ee la xiriira cadaalad daro ay ka tabanayso nidaamka wax qaybsiga Puntland, waxa shirweynaha beesha la iskula gartay in wixii hada ka dameeyo beeshu ka tashan doonto aayaheeda iyo masiirkeeda.

Wabilaahi Tawfiiq.

vlcsnap-error2011 vlcsnap-error201 vlcsnap-error255 vlcsnap-error381 vlcsnap-error401 vlcsnap-error601 vlcsnap-error765 vlcsnap-error822 vlcsnap-error829 vlcsnap-error945

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY