Xarunta Doorashada Degmada Cadaado oo lala Wareegay.

0
63

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Xarunta Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somalia lala wareegay.

Rasaas Xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha Magalada Cadaado iyadoo dadka degaanka ay soo sheegayaan in xaruntu ay la wareegeen Maleeshiyo beeleed degaanka ah.

Ujeedka loola Wareegay goobta ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay ka dib markii mid ka mid ah xubnaha Musharaxiinta Aqalka hoose uu Goobta la tagay ciidamo badan taasi oo keentay in ay is fahmi waayeen Ilaalida Xarunta ay doorashada ka socoto.

Musharaxa la wareegay xarunta oo lagu Magaacabo Maxamed Guure ayaa ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka Gal-Mudug,

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii ilaalinayay Musharaxa ay goobta ka saareen Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Somalia iyo  Ciimada Amniga Maamulja Gal-mudug ee halkaasi ku sugan.

Ma cadda weli khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey rasaasta ka dhacdey hoolka doorashada ee Cadaado, waxaana istaagey dhamaan shaqadii ay hayeen guddiga doorashadu.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY