Taliyihii Qeybta Booliska Nugaal oo la badalay.

0
58

Warqad Qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska DOwlada Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Erag ayaa waxaa xilkii kooga qaaday Taliyihii Qeybta booliska Gobalka Nugaal Gaashaanle Cabdiraxmaan Abshir Faarax.

Taliyaha ciidanka booliska Puntand Sareeyo guuto Cabdiqadir Shirre Faarax ereg aayaa taliyaha cusub ee Taliska Qeybta Gobalka Nugaal u Magacaabay Gaashaanle sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen (Xinjara-dhuuq).

Sidoo kale taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Nugaal ayaa loo magacabay gaashaanle sare Ibrahim Maxamed Cabdi (Dooli).

Talaabada xilka looga qaaday Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax ayaa Mudooyinkan aad loo hadalhaya Waxaana mar ay warbaahinta la hadashay uu sheegay inuusan waxba kala socon xil ka qadistaasi.

Halkan hoose ka aqriso Warqadda Qoraalka.

sax

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY