Gaas oo gaaray Gaalkacyo.

0
68

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamedc Cali Gaas iyo xubno wefdi uu hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalda Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug halkaasi oo ay colaado baahsan ka jiraan.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa waxay ka kooban yihiin,Wasiiro Xildhibaano Saraakiisha Ciidamadda iyo qaar ka Mid ah shaqaalaha Madaxtooyada Puntland iyagoo Gaalkacyo u gaaray Daminta colaada Magaaladaasi.

Ujeedka Madaxweynaha uu u gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu halkaasi kula kulmi lahaa Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Gulleed iyagoo ka wada hadli doona sidii xal waara loogu heli Lahaa dhibaatada Dagaalada Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Mudada ay Magaalada Gaalkacyo joogaan Wefdiga Puntland waxaa lagu wadaa in ay halkasi gaaraan Wefdi ka socda Dowlada Federaalka Somalia oo iyana qeyb ka noqon doona sidii ay daminta dagaalada Magaalada Gaalkacyo uga qeyb qadan lahaayeen.

Madaxweynayaasha Gobalka Mudug ka wada Aramiya ayaa si fool ka foolka ah isla soo fariisan doona waxayna isla eegi doonaan sidii ay ku dhameyn lahaayeen Xiisada labada dhinac u dhaxeysa ee Gaalkacyo ka taagan.

Wefdiga Gaas ee Gaalkacyo aya ku soo beegmaya iyadoo labadi habeen ee ugu dambeysay Magaalada Gaalkacyo ay ka dhacayeen Madaafiic iyo rasaas xoog badan oo ay is weydaarsanayen dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo,

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY