(Sawiro) Dhibaatooyinka ka jira Xabsiyada Puntland.

0
61

Dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ayaa xiligan ka jira Qaar ka mid ah xabsiyada ku yaala degaanada Maamulka Puntland.
waxyaabaha ugu badan ee xiligan ay cabashadu ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah cunada jiifka biyaha iyo caafimaadka oo ay si weyn uga cabanayaan Maxabiista xabsiyada ku jirta.
arintan ayaa soo shaacbaxday ka dib markii gudiga xaquuqul Insaanka baarlamaanka Puntland ay booqanayaan waayadanXabsiyada ku yaala degaanada Puntland.
Meelaha ay xiligan Gudiga Xaquuqda Aadanaha Puntland booqdeen ayaa waxaa ka Mid ah Xabsiyada ku yaala Boosaso Qardho iyo Garowe halkaasi oo ay maxabiis kale duwan ku jiraan.
Maxaabiista xabsiyada ku jirta ayaa waxay ku eedeysan yihiin falal dambiyeedyo la xeriira Burcadbadeednimo,Alshabaab iyo Dilal kuwaasi oo aan weli xukunkooda u dhammaan.
boqoshaddii ugu dambeysay ayaa xubnaha gudiga xaquuqda Aadanaha Puntland waxay ku tageen Xabsiga weyn ee Magaalada Garowe halkaasi oo ay maxaabiis tira badan ay ku xareysan yihiin.
Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen Cali Nuur Cumar Saalax ayaa warbaahinta u waramay waxaana uu ka sheekeeyay xaalada xiligan ay xabsiyada Puntland Madaama Taliska ciidanka Asluubta uu xabsiyada Maamulo.
Taliyaha waxa uu sheegay in DOwlada Puntland aaanu miisaaniyadda ugu jirin sidii dhaqaale loogu heli lahaa xabsiyada Madaama dhibaatooyinka xabsiyada ay xiligan badan yihiin DOwladuna ay ka war qabto.
Nuuradiin Cabdirashid Cali oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Xaquuqul insaanka Baarlamaanka DOwlada Puntland aya dhankiisa Warbaahinta la hadlay waxaana uu ka waramay xaalada dhab ah ee xiligan ka jirta Xabsiyadda.
Halkan Hoose ka dhageyso Codka Taliyaha iyo Codka Xildhibaan Nuuradiin.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY