Madaxweynaha Puntland oo ku soo wajahan Garowe.

0
69

Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa Maanta gelinka Dambe la filayaa inuu ku soo laabto Magaalada Garowe ka dib safaro shaqo uu maalmhana ku joogay Magaalada Boosaaso.

Safarkan uu Madaxweynaha Puntland maanta dib ugu soo laabanayo Magaalada Garowe ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Saraakiisha ciimadda iyo shaqaalaha Madaxtooyadda Puntland.

Mdaxweynah ayaa ka hor inta uusan ka soo amba bixin gobalka Bari waxaa uu Magaalada Boosaso kulamo kula soo qaatay saraakiisha ciidmada Mamulka Gobalka Bari isagoo kala hadlay Arimo dhowr oo ku sabsan xaaladaha Amaanka ee Puntland.

Madaxweynaha iyo Wefdigisa ayaa laga sugayaa in ay soo maraan Magalada Qardho halkaasi oo ay ugu diyaarsan yihin Xubnaha Maamulka Gobalka Kar kaar iyadoo soo dhaweyntiisa ka dib la filayo inuu soo gaaro Magaalada Garowe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY