(Sawiro) Xafiiska Xaquuqda Aadanaha Puntland oo ka hadlay Collaada Gaalkacyo

0
61

Xafiiska Difaacaha Xaquuqda Aadanaha Puntland ayaa ka waramay Xaalada dhibaatadii ugu dambeysay ee ka dhalatay Dagaaladii shalay iyo dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Xafiiskaasi Maxamed Yuusuf Cali oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay Xafiiskiisa Magaalada Garowe waxaa uu sheegay in haddii ay xaalada Magaalada Gaallkacyo si deg deg xal looga gaarin ay meel gaari doonto xaalada Dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.

SIdoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadkii ku dhintay Dagaaladaasi ay gaareyso ku dhawaad 70ruux boqolkana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo xiligan caafimaad deg deg ah u baahan.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Gal-mudug looga baahan yahay in ay xal u hellaan Maatida Dayacan ee Dsagaalada ka barakacay kuwaasi oo aan weli wax cuno gar gaar ah la siin.

1 2

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY