Faroole oo sheegay in Doorasho aysan Dalka ka dhicin haddii aan Gaalkacyo la xalin

0
63

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan shiekh Maxamed Faroole aya shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Garowe waxaa uu kaga waramay dhibatada dagaalada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalada Magaalada Galkacyo oo ay dhaxeeyaan Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Gal-Mudug ayaa waxaa uu Faroole sheegay in dhibaatada Dhiiga ku daadanaya Dagaalada uu aad kaga xun yahay.

SIdoo kale Cabdiraxmaan Faroole oo ka Mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee DOwlada SOmalia ayaa waxaa uu sheegay in xiligan Madaxda dhinacyada Siyasada Somali aysan ujeedin dhibta ka taagan Gaalkacyo balse danahooda gaarka ay ku mashquulsan yihiin.

Cabdiraxmaan SHiekh Maxamed Faroole waxaa uu sheegay in Madaxweynaha xilkiisa dhamaadaye e Xasan Sheikh Maxamud looga baahan yahay inuu tago Magaalada Gaalkacyo si uu kaga qeyb qaato joojinta colaada halkaasi ka taagan.,

Hase ahaatee Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole waxaa uu sheegay in Doorasho Madaxweyne iyo mid Gudoomiye Baarlamaan aysan dalka ka dhici kariin haddii aan xaalada Gaalkacyo xal buuxa laga gaarin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY