Madaafiic Qasaare geysatay oo ku soo dhacday Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.

0
56

Ciidamo ka tirsan Maamulka Gal-mudug ayaa xalay dhowr Madaafiic ah ku tuuray qaar ka Mid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Madaafiicdan ayaa waxay ku dhacday Xaafadaha waqooyiga Magaalada galkacyo waxaan qeyb ka mid ah xafadaha ay madaafiicda ku dhacday la sheegay in ay ahaayeen Xafado cidla ah madaama dadkii shacabka ahaa ee daganaa ay halkasi wa hore isaga guureen.

Wararka ayaa sheegaya in aanu jirin wax qasaare ah oo ka dhashay Weerarka Madaafiicda ah ee  lagu soo tuuray xaafadaha waqooyiga Magaalada Gaalkacyo..

Ciidamada Difaaca maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay dhankooda tuureen Madafiic ay kaga jawaabayeen Madaafiicda ay soo tuureen ciidamada Maamulka Gal-Mudug.

Maahan Markii ugu horeysay ee sidan oo kale Ciidamada Maamulka Puntland iyo Gal-Mudug Weeraro Madaafiic ah isaga soo tuur tuuraan Xafadaha Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY