Doorashada Aqalka hoose oo Garowe ka socota

0
58

Magaaladda Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa si habsami leh uga socota Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Puntland u matali doona Dowlada Federaalka Somalia.

Doorashooyinkan ayaa waxay xiligan si kala gaar gaar ah uga socdaan Xarumaha Jaamacadda PSU iyo Bariga Africa halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ergooyin tira badan oo xildhibaanada soo dooranaya.

Xarumaha ay DOorashadda ka soconata waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Amniga maamulka Puntland kuwaasi oo isku dayaya sidii ay u adkeyn lahaayeen sugida amniga Magaalada Garowe iyo Xarumaha DOrashadda.

xubnaha DOorashadda ka qeybgalaya ayaa ka hor inta aysan bilaabandoorashaddu waxay jeedjiyeen qudbooyin kale duwan oo ay ku soo bandhigeen heerarkii waxbarasho iyo shaqooyinkii ay soo qabteen.

xubnaha xiligan la doortay ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Yusuf Cali Xoosh oo horay xil Wasiir uga soo noqday Puntland.

Cilmi Omar Caynsane oo ka Mid ahaa besha Mandhibaan oo xilkaasi u tartamayay ayaa dhankiisa isna Dorashada ku guuleystay waxaana hoolka ay doorashooyinkaan ka socdaan aad looga dareemayaa guux fara badan oo doorashadan ku saabsan.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY