Degmada Qandal oo Caawa Xaaladeeda Allow Sahal Amuuraha tahay

0
115

Wararka ka imaanaya Degmada Qandala ee gobalka Bari ayaa sheegay in Caawa sheegay in xaaladda degmadu tahay mid kacsan ka dib markii ay isku hareereyeen ciidamada ka tirsan Maamulka Puntland.

Guud ahaan Magaalada ayaa waxaa ka jira Xaalad aad u cakiran ka dib markii ay halkaasi xaalad go’doomin ah ku soo rogeen ciimada Maamulka Puntland oo bad iyo beri ka weeraraya degmadaasi.

Maleeshiyadda kooxda Daacish ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq xoogan oo ay ku doonayaan sidii ay isaga difaaci lahaayen ciidamada Puntland ee halkasi isku hareereeyay.

dhowr madaafiic oo ay soo tuureen ciimada badda Maamulka Puntland ee loo yaqaano PMPF aya ku dhacay bartilmamedka kooxda daacish ee ku sugan degmada Qandala.

lama sheegi karro qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka hubka culus ee ciidamadu ku weerareen degmada Qandala.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ayaa warbahinta u sheegay in dhawaan ay soo afmeeri doonaan howlgalkan ay ka bilaabeen degmada Qandala oo fariisin u noqday Maleeshiyadda Kooxda Daacish.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY