Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Mareykanka u Qaabilsan Somaliya.

0
461

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya ayaa kulan gaar ah waxa uu la yeeshay Stephen M. Schwartz Safiirka Mareykanka (USA) u Qaabilsan Arimaha Somaliya waxa uuna kala hadlay Arimaha Doorashooyinka,Amniga,Siyaasadda guud ee Dalka iyo Walaaca uu Musharaxa ka qabo hufnaan la’aanta ka jirta Doorashada la filayo in Dalka ay ka dhacdo.

Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay”Maanta waxaa kulan gaar ah la yeeshay Stephen M. Schwartz Safiirka Mareykanka u Qaabilsan Somaliya,waxaa kala hadlay Doorashada ka dhaceyso Dalka oo aan u socon si ku dheehan Hufnaan,waxaana Muhiim ah in arimahaan ay la socdaan Beesha Caalamka,Safiirka waxaa si gaar ah ugu wada hadalnay Arimaha Siyaaasadda Dalka oo sii galeyso Cakirnaan Maadaama Waqtigii Doorashada dib u dhacay welina ay jirto Cabsi laga qabo in Waqtiga lagu ballamay in ay ka sii dib dhacdo” ayuu yiri Musharax Deni.

Safiirka Mareykanka u Qaabilsan Arimaha Somaliya Stephen M. Schwartz ayaa si weyn u soo dhaweeyey kulanka uu la yeeshay Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni waxa uuna sheegay in si qoto dheer ah ay ugu wada hadleen Arimo badan oo xilligaan muhiim u ah Doorashada Dalka,waxa uuna walaac ka muujiyey Sida ay u socoto Doorashada Dalka.

Dr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caan ku ah wax ka qabashada Arimaha Waxbarashada,Caafimaadka,Koboca Dhaqaalaha Dalka,Biyaha iyo Arimaha Bulshada.

Dr.Siciid Deni Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somaliya,waxa uu horey u soo qabtay Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Somaliya isaga oo Wasaaraddaas gaarsiiyey Heer fiican.

Dr.Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya ayaa kulamo iyo wadatashiyo la leh Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliyeed,waxaana si weyn u taageersan dhammaan waxgaradka iyo Siyaasiyiinta dalka oo u arka in uu yahay Shaqsigii ay Somali u baahneyd.

kulan_musharax_deni_iyo_safiirka-_mareykanka-1 kulan_musharax_deni_iyo_safiirka-_mareykanka-2

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY