Cuqaasha iyo Nabadoonada Magaalada Qardho oo Go’aan ku garay in si Xur ah loogu tartamo Xildhibaanada ka soo Jeeda Beesha Cismaan Maxamuud (Sawirro)

0
2456

 

Shirar kala duwan oo bilihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Qardho oo looga hadlay Hanaanka laga yeelayo Labada Xildhibaan ee ka soo Jeeda Beesha Cismaan Maxamuud ayaa Nabadoonada Beesha waxa ay isla qaateen in Xildhibaanada si furan loogu tartamo.

Kulan si heersare loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen Cuqaasha,Nabadoonada iyo waxgaradka ka soo jeeda Beesha ayaa 35 ka mid Nabadoonada Cisman Maxamuud waxa ay go’aan ku gaareen in si Siman loogu tartamo Xildhibaanada,iyadoo la raacayo Hanaanka ay soo jeediyeen Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Nabadoon Abshir Dhagcas oo ka mid ah Nabadoonada ka hadlay Kulanka Maanta ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in si Furan ay ugu qeybgalaan Musharixiinta daneenaya Xildhibaanada ay leeyihiin Beesha Cismaan Maxamuud”21-9-2016 Shirkii ay isugu yimaadeen Nabadoonada Beesha Cismaan Maxamud 35 ka mid ah Nabadoonada waxa ay isku raaceen in si furan loogu qeybgalo Tartanka loogu jira Labada Xildhibaan oo ay leydahay Beesha,Arintaan waxaa loo gaaray in lagu kala badbaado,waxaana loo arkay dan in ay tahay howshaas,sidaa darteed waxaa si aqlibiyad ah Beesha Cismaan Maxamuud ay isku raacday in Howshaan si furan loo wajaho”ayuu yiri Nabadoon Dhagcas.

Nabadoon Cali Cabdi Aadan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Shirarka ka dhacay Qardho,waxa uu Hoosta ka xariiqay in arintaa Go’aanka ay qaateen Nabadoonad in uu yahay Badbaado maadaama Buuq badan uu ka dhashay Xildhibaanada Beesha”Waxaa Baaq u dirayaa Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo kan Heer Federaal in ay si hoose ula socdaan arintaan,Beesha waxa ay go’aan ku gaareen in si furan loogu qeybgalo Xildhibaanada Beesha Cismaan Maxamuud,Howshaan waa mid qof walbo ku qanci karo waa Maslaxo,Cid lagu duulayo ama lagu gardaroonayo ma jirto,Dhammaan inta ay quseyso Doorashooyinka waa in ay Ogaadaan arintaan”ayuu yiri Nabadoon Cali Cabdi.

Nabadoon Cismaan Cabdi Siciid oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Taageerayaan doorashada furan oo ay ka qeybgalikaraan Qofwalbo oo aqoon leh”Haddii Tartanka Doorashada laga dhigo mid xiran waa mid dhibkeyda leh,Waxaa jira dad badan oo aqoon leh iyo karti leh oo waxbadan qabankara waa in fursad la siiyaa dhammaan dadka wax tarka u leh Beesha” Ayuu yiri Nabadoon Cismaan

Nabadoon Cabdirashiid Maxamuud Shire (Shoodhe) ayaa soo dhaweeyey in Labada Xildhibaan ee Beesha Cismaan Maxamuud in si furan loogu Tartamo”Beesha Cismaan Maxamuud waa Beel weyn,waxa ay leydahay Labao Xildhibaan,Dabadan aya damac ugu jira in ay Helaan labadaan Xubnood,Beesha Markii hore Xildhibaanda wey ku yaraayeen laakiin hadda dad badan ayaa hami ugu jira,waxaan leeyahay in si siman in loogu qeybgalo Doorashada Xildhibaanada,waxaana ku jira Maslaxadda Beesha”ayuu yiri Nabadoon Shoodhe.

Nabadoon Maxamed Cali Shire oo ka mid ahaa Nabadoonada ka hadlay kulanka ayaa Xoojiyey in la fahmo sida ay u dhaceyso sanadkaan Doorashooyinka Dalka”Xildhibaanada Sanadkaan waxaa u Codeenayo 51 Ergo,ma ahan Xiligii wax lagu qeybsan jiray 4.5,Sababta loo keenay Ergada waa in Doorashada ay Noqotaa Mid furan taasina ayaa sabab u ah in Qofwalbo oo ka qeybgalikaro ama u tartami karo Xildhibaanada Beesha Cismaan Maxamuud”ayuu yiri Nabadoon Maxamed Cali.

Dhammaan Nabadoonada Ka hadlay Shirkaan ayaa isku raacay in Xildhibaanda Beesha Cismaan Maxamuud si furan loogu tartamo iyada oo la raacayo Nidaamka u degsan Doorashooyinka Dadban ee la filayo in Dalka ay ka dhacdo.

cuqaasha_nabadoonada_qardho-1 cuqaasha_nabadoonada_qardho-2 cuqaasha_nabadoonada_qardho-3 cuqaasha_nabadoonada_qardho-4 cuqaasha_nabadoonada_qardho-5 cuqaasha_nabadoonada_qardho-6 cuqaasha_nabadoonada_qardho-7 cuqaasha_nabadoonada_qardho-8 cuqaasha_nabadoonada_qardho-9 cuqaasha_nabadoonada_qardho-10 cuqaasha_nabadoonada_qardho-11 cuqaasha_nabadoonada_qardho-12 cuqaasha_nabadoonada_qardho-13 cuqaasha_nabadoonada_qardho-14 cuqaasha_nabadoonada_qardho-15 cuqaasha_nabadoonada_qardho-16 cuqaasha_nabadoonada_qardho-17 cuqaasha_nabadoonada_qardho-18 cuqaasha_nabadoonada_qardho-19 cuqaasha_nabadoonada_qardho-20 cuqaasha_nabadoonada_qardho-21 cuqaasha_nabadoonada_qardho-22 cuqaasha_nabadoonada_qardho-23 cuqaasha_nabadoonada_qardho-24 cuqaasha_nabadoonada_qardho-25 cuqaasha_nabadoonada_qardho-26 cuqaasha_nabadoonada_qardho-27 cuqaasha_nabadoonada_qardho-28 cuqaasha_nabadoonada_qardho-29 cuqaasha_nabadoonada_qardho-30 cuqaasha_nabadoonada_qardho-31 cuqaasha_nabadoonada_qardho-32 cuqaasha_nabadoonada_qardho-33 cuqaasha_nabadoonada_qardho-34 cuqaasha_nabadoonada_qardho-35 cuqaasha_nabadoonada_qardho-36 cuqaasha_nabadoonada_qardho-37

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY