Musharixiinta kala ah Dr.Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle oo kulan gaar ah ku yeeshay Garoowe (Sawirro)

0
1011

Kulan gaar ah oo Magaalada Garoowe ay ku yeesheen Labada Musharax ee u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Dr.Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka wada hadlay sidii dalka loogu soo dabaali lahaa Isbadal Horumar horseedi kara,iyo habka ay ku dhici karto Doorasho Xalaal ah oo waqtigeeda aan dhaafin.

Labada Musharax ayaa isla gorfeeyey in Muhiim ay tahay in isbadal ku yimaado Hogaanka dalka,waxa ayna isla fahmeen in isbadalkaasi si wadajirka ah loogu qeybqaato.

Sidoo kale Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Somaliya ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Dadban in ay ka soo baxaan Mas’uuliyadda loo igmaday.

Hogaanka haya Talada dalka ayaa u muuqdo in uu qeyb ka yahay dib u dhaca Doorashooyinka la filaayey in ay waqtigooda ku dhacaan,waxaana jira walaac ku aadan habka ay Dowladda u wajaheyso Doorashada Dalka.

Cabdiraxman Black
Xafiiska Ololaha Musharax Dr.Siciid Cabdullaahi Deni.

musharax_-deni_iyo_jabriil-1 musharax_-deni_iyo_jabriil-2

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY