Xaflad xil wareejin iyo Maamuus loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho.

0
80

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen masuuliyiin kakala socotay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, safiiro, bulshada rayidka, aqoonyahaaniinta iyo mas’uuliyiinta jaamacaddaha dalka laguna maamuusayay xi lwareejinta guddoomiyihii ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa lagu qabtay hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Ugu horayn waxaa hadalka qaatay Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) guddoomiyaha golaha sare ee jaamacadda Muqdisho ayaa kutilmaamay xilwareejintan mid taariikhi ah oo cashar wanaagsan u ah dadka xilalka haya wuxuuna guddoomiyihii hore Dr. Cali ku tilmaamay halyeey ummadiisa wax wayn u qabtay.

Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho oo hadalka lagusoo dhaweeyay ayaa umahad celiyay golaha sare ee Jaamacadda Muqdisho iyo maaumlkii lasoo shaqeeyay intii uu xilka haayay wuxuuna umahad celiyay shacbiga Soomaaliyeed ee sida wacan u garab istaagay jaamacadda Muqdisho wuxuuna si gooni ah u amaanay waalidka Soomaaliyeed ee kalsoonida siiyay inay ilmahooda wax kabartaan jaamacadda Muqdisho noona rumeeyay shaqadii wanaagsaneed ee aan bulshada u haaynay. wuxuu si gooni ah ugu mahad celiyay Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade), Xaaji Abuukar Cumar Caddaan iyo Daahir Cabdishakuur Warsame uu kutilmaamay inay ahaayeen dad wax wayn usoo qabtay inay Jaamacadda Muqdisho sii jirto.

“Dalka Soomaaliya Jaamacadda Muqdisho waxay u abuurtay rajo balaaran oo ay dad badan dalkooda u aamineen dibna ugu soo laabteen” sidaana waxaa yiri gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar.

Waxaa kale oo uu yiri gudoomiyihii hore cid aan ugu kaalmaynay majirto jaamacad si khalad ah loo furay laakiin markasta waxaan ku dhiiri gilin jirnay in lafuro jaamacad tayaysan.

Wuxuu kula dardaaramay maamulka cusub inay dadaalkooda hakii kasii wadaan siina laba jibaaraan. Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Muqdisho.

Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa wuxuu umahad celiyay golaha sare ee jaamacadda iyo guddoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubkar wuxuuna yiri asigoo kahadlaaaya gudoomiyihii hore “wuxuu noo gardaadiyay sida ilamaha loo gardaadiyo, wuxuu lahaa hami qaran waxaana balan qaadaynaa aniga iyo maamulka cusub ee loo igmaday inay hawshan sii wadaan mudada 5-ta sano ee soo socota inaan u wadi doono sidii uu ahaa yoolka Jaamacadda si tacliin sax ah oo tayaysan loo gaaro loona soo saaro dad tayo leh oo wax ku ool ah.”

xil-warejin1 xil-warejin3 xil-warejin4 xil-warejin5 xil-warejin6 xil-warejin7 xil-warejin8 xil-warejin12

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY