Maamulka Jaamacadda Himilo oo Waxbarashada Sare gaarsiiyey Magaalada Jowhar (Sawiro)

0
114

Maamulka ugu sareeyo Jaamacadda Himilo oo ka mid ah Jaamacaddaha ku yaalo Magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku tagay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe,waxa ayna gaarsiiyeen Waxbarashada Sare iyaga oo la kulmay qeybaha kala duwan ee Bulshada Jowhar.

C/kariin Aadan Fagaase Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Himilo ayaa ka warbixiyey Safarka ay ku gaareen Magaalada Jowhar ”waxaa noo Qorsheysan   in aan gaarsiinno  waxbarsho tayo leh Gobolada Dalka,Waxaa inoo suuragashay in Jowhar aan ka hirgalino XaruntaJaamacadda,waxaana bilaabanaya Qorsita ardayda daneyneysaa in ay wax ka bartaan Jaamacadda Himilo,Ujeedka Jaamacadda waa Sare u qaadista Tayada heerka waxbarashada Bulshada ku nool magaalada Jowhar & dhamaan gobolada Dalka” ayuu yiri Ustaad Fagaase.

Waxaa wafdiga jaamacadda u suuragashay in ay kulan gaar ah la qaataan bahda saxaafadda oo iyagana qabay baahi waxbarasho,iyada oo maamulkuna qaatay hirgilinta kulliyadda Cilmiga Saxaafadda.

Maamulka Jaamacadda Himilo ayaa kulamo kala duwan la qaatay ardayda daneysa Waxbarashada Sare,waxa ayna Booqasho kala duwan ku tageen Dugsiyada Sare ee ku yaalo Magaalada Jowhar.

Jaamacadda Himilo ayaa xarunteyda ugu weyn waxa ay ku taalaa Magaalada Muqdisho iyadoo ku talaabsatay Horumar muuqta tan iyo wixii ka danbeeyey markii dhidibada loo taagay.

Jaamacadda_Himilo_Jowhar (1) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (2) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (4) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (5) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (6) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (7) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (8) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (9) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (10) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (11) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (12) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (13) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (14) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (15) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (16) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (17) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (18) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (19) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (20) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (21) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (22) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (23) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (24) Jaamacadda_Himilo_Jowhar (25)

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY