War-saxaafadeed laga soo saaray Shirka Maddasha Wadatashiga Beesha Moolkaal ee Baadacade (Sawirro)

0
642

Shirka Maddasha Wadatashiga Beesha Moolkaal ee Baadacade oo muddo todobo Maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Jimco ah  waxaa laga soo saaray Warsaxaafadeed,waxaana gebigabadii Shirkaan ka soo qeybgalay Siyaasiyiin,Culama’udiin,Haween,Dhalinyaro iyo Ganacsato.

Shirweynaha ayaa looga hadlay Xaaladaha ka jira Dalka,Maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,Saami qeybsiga Xildhibaanada Baadacade iyo Xoojinta Midnimadda iyo Wadajirka.

Shirka Maddasha Wadatashiga Beesha Moolkaal ee Baadacadde ayaa waxaa laga soo saaray Warsaxaafadeedkaan Hoos ku qoran.

  1. Beesha Moolkaal waxa ay soo dhaweyneysaa isku darka iyo Maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
  2. Beesha Waxa ay Dowladda Federaalka ugu baaqeysaa in si Caddaalad ah ay u wajahdo Maamul u sameynta Labada Gobol.
  3. Beesha waxa ay soo dhaweyneysaa Nabadoon Cabdi Abukar Mahdo oo loo doortay Nabadoonka Beelaha Moolkaal iyo Kaboole.
  4. Beesha waxa ay ugu baaqeysaa Jufooyinka Beesha Baadacade in ay ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka.
  5. Beesha waxa ay ku Baaqeysaa in Si Caddaalad ah loo qeybsado Xildhibaanada Beesha Baadacade ee ka mid noqon doono Baarlamaanka soo socda.
  6. Beesha waxa ay Beelaha la daga ugu baaqeysaa Adkeynta Nabadgalyada iyo in laga shaqeeyo Hormarinta Labada Gobol.

Dr.Maxamed Culusow Maxamed oo ka hadlay Shirkaan ayaa sheegay in Beesha Moolkaal ee Baadacade ay ka mid tahay Beelaha dega Gobolka Shabeelaha dhexe,waxa uuna ka hadlay Taariikhda fog ee beesha iyo Dhul beereedka ay leydahay oo ku tiidsan Webiga Shabelle.

Xuseen Cali Cumar Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Moolkaal ee Baadacadde ayaa soo dhaweyey Shirweynahaan waxa uuna ku tilmaamay mid hormar ah oo Beesha ay ku qabsaneyno danaheeda uguna tashaneyso aayaheeda.

Maxamed Xasan Mahdi (Afyare) oo ku hadlay Magaca Qurba joogta Beesha ayaa soo dhaweyey Shirkaan waxa uuna sheegay in Shirar kuwaan la mid ah lagu qaban doono dalka dibadiisa.

Shiweynaha Maddasha Wadatashiga Beesha Moolkaal ee Baadacade ayaa ku soo dhamaaday Jawi aad u wanaagsan.

Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-1-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-2-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-3-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-4-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-5-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-6-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-8-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-9-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-10-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-11-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-12-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-13-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-14-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-15-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-16-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-17-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-18-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-19-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-20-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-21-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-22-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-23-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-24-696x392 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-25-696x464 Shirweynaha_Beesha_Moolkaal-26-696x464

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY