Xaflad lagu taageerayo Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

0
226

Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen Xildhibaano,Nabadoono,Siyaasiyiin,Dhalinyaro,Ganacsato ayaa lagu qabtay Hotel Al-furat ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu taageerayey Nabadoonka Beelaha Moolkaal iyo Kaboole oo ka tirsan Beesha Baadacade.

Xafladdaan oo ugu horeyn ka hadlay Xasan Cali Macalin oo ka mid ah waxgaradka Beesha Moolkaal ayaa soo dhaweeyey Nabadoonka Beelaha Moolkaal iyo Kaboole waxa uuna u rajeeyey in uu illaahay la garab galo xilka Culus ee loo doortay.

Nabadoon Geesey Cismaan Cabduule oo ka mid ahaa Nabadoonadii ka hadlay Xafladda lagu taageerayey Nabadoon Cabdi Abukar ayaa sheegay in si weyn ay u soo dhaweenayaan Nadoonka waxa uuna ballan qaaday in uu la shaqeyndoono nabadoonka.

Shiikh Axmed Cali Xasan Raage oo isna ka hadlay Xafladda lagu taageerayay Nabadoon Cabdi Abukar ayaa sheegay in Beelaha Moolkaal iyo Kaboole ay Doorteen Nabadoonkii ku haboonaa ee hogaamin lahaa.

Nabadoon Hilowle Macalin Yacquub oo ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in uu waxbadan ka yaqaano Nabadoon Cabdi Abukar muddana ay soo wada shaqeeyeen waxa uuna Eebe ugu baryey in uu la garabgalo xilka culus ee loo doortay.

Shiikh Cali Muude Dayib oo u hadlay Beesha Kaboole ayaa sheegay in uu Labadaan beelood ay isku raaceen in Nabadon ay u doortaan Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi waxa uuna sheegay in Nabadoonka uu yahay Midkii ugu mudnaa oo ay dooran lahaayeen.

Prof.Maxamed Cali Ibraahim oo ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in ay wanaagsantahay in Caddaaladda iyo Waddajirka lagu dadaalo,waxa uuna Bogaadiyey Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi waxa uuna kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo isku keenidda dadka uu matalo.

Eng Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiiradii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somaliya ayaa soo dhaweysay Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi waxa ayna ku tilmaamtay mid karti iyo Aqoon leh oo waxbadan ka qaban kara xaaladda jirta,waxa ayna sheegtay in ay Muhiim tahay in dhaqanka uu ka shaqeeyo Wadajirka iyo Midnimada dadka ay matalaan.

Ugu danbeyn Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi Nabadoonka Beelaha Moolkaal iyo Kaboole ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qeybgalay Xafladda lagu taageerayey waxa uuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan maadaama xil cuslu loo dhiibay.

2-dii Bsihii April 2016 ayaa Beelaha Moolkaal iyo Kaboole waxa ay doorteen Nabadoon Cabdi Abukar Mahdi waxaana Maanta magaalada Muqdisho loogu qabtay Xaflad lagu taageerayo.

Nabadoonka Beelaha Doortay waxa ay ka mid yhiin Beelaha dega Gobolka Shabeelaha dhexe,waxa ayna arintaan ku soo beegmeysaa Xilli Dalka Somaliya galayo Isbadal Siyaasadeed.

Nabadoon_Abdi_Abukar.-696x521 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-1-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-2-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-3-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-4-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-5-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-6-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-7-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-8-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-9-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-10-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-11-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-12-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-13-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-14-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-15-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-16-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-17-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-18-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-19-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-20-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-21-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-22-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-23-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-24-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-25-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-26-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-27-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-28-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-29-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-30-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-31-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-32-696x464 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-33-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-34-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-35-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-36-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-37-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-38-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-39-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-40-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-41-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-42-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-43-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-44-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-45-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-46-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-47-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-48-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-49-696x392 Nabadoonka_Moolkaal_Kabooole-50-696x392

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY