Madaxweynaha Somaliya oo Saakay Furaya Kalfadhiga Ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Somaliya.

0
140

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu furo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo shalay dib u dhacay,waana fadhigii ugu danbeeyey uu yeesho Baarlamaanka Hadda Jira oo xiligiisa ay ka hareen dhowr bilood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Shalay sheegay inuu dib u dhacay Furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka ayaa Xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu furayo Kalfadhiga 8-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee Baarlamanka hadda jira uu yeelan doono.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijinayaan Amniga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalla Sharciyo badan oo la doonayo in la dhameeyo,balse waxaa yar waxqtiga Dowladda Federaalka u haray oo kusiman mudo Afar bil ah.

Howlaha ugu badan ee la doonayo Baarlamaanka in uu qabto waxaa ka mid ah Ansixinta Dastuurka,Qaabka Doorashda ugu dhaceyso Sanadkaan,Guddiyada badan oo horyaalo Baarlamaanka iyo Howlo culus oo laga yaabo in waqti loo waayo in la ansixiyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY