War Deg Deg ah:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Goordhow lagu Dhaawacay Muqdisho.

0
108

Xildhibaan Maxamed Cali Diheeye oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somaliaya ayaa Goordhow lagu dhaawacay Magaalada Muqdisho gaar ahaa Suuqa Bacadlaha Xamarweyne xilli uu saarnaa Gaari lagu waday.

Kooxo Hubeysay oo watay Gaari ayaa ku horjaray Gaariga Xildhibaanka,waxaana Isla Goobta ku dhintay labo askari oo ilaalo u ahaa Xildhibaanka la dhaawacay.

Dhaawaca Xildhibaanka oo loola caray Isbitaalka ayaa la sheegay in Raggii Weerarka geystay waxa ay ka baxsadeen Goobta ay falka ka sameeyee.

Maxamed Cali Diheeye ayaa dhawaan loo dhaariyey ka mid ahaanshaha Xubinta Baarlamaanka Somaliya,waxaana Maalmahaan magaalada muqdisho ku soo badanaya Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Mas’uuliyiinta iyo Dadka magaca leh.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY