Daawo Sawirada:-Ciidamada Nabadsugiddda Somaliya oo qabtay gaari waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.Daawo Sawirada:-Ciidamada Nabadsugiddda Somaliya oo qabtay gaari waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.

0
71

Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Somaliya ayaa maanta fishiliyey Gaari waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray oo la soo dhigay agagaarka Taalada Xaawo Taako,waxaana la dhigay meel ku dhow Maqaayadda Bule Sky.

Ciidamada Nabadsugidda oo ka warhelay Gaarigaan ayaa waxaa si gaar ah ugu howlgalay ciidmada miino baarista,waxaana lagu guuleystay in lakala furfuro Gaariga waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.

Gaarigaan oo ahaa Nooca Spacia ayaa intabadan dadka ku suganaa Goobta la soo dhigay Qarxaasi ayaa ah Goob mashquul ah oo intabadan dadka ay fariistaan.

Todobaadkii la soo dhaafay Ciidamada Nabadsugidda waxa ay fashiliyeen gaari waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray oo la soo dhigay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim.

basiyo_1 basiyo_2 basiyo_3 basiyo_4

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY