Akhriso:-Heshiiskii Dowaldda Federaalka iyo Puntland oo si rasmi ah loo saxiixay (Sawirro)

0
128

Waxaa  qalinka lagu duugey Heshiiska Garoowe, kaas oo wada hadalkiisu socdey muddo todobaad ah, isla markaana maanta dib uga dhacay xiligii loogu tala galay in la saxiixo.

Hirgelinta Heshiiska waxaa damaanad qaadey urur goboleedka IGAD.

HESHIIS AY WADA GAAREEN DAWLADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA IYO DAWLADDA PUNTLAND

Hordhac:

Waxaa booqasho qaadatay 26 Marso ilaa 03 Abril, 2016, ku yimid Puntland wafdi ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Gudoomiyaha Wasirada Arrimaha Dibadda ee Urur Goboleedka (IGAD) Tedros Adhanom, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Michele Keating, Danjiraha Urur Goboleedka IGAD Mohamed Abdi Afey, Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin, Wakiilka Ururka Midawga Yurub ee Soomaaliya (EU) Michele Cervona. Danjireyaasha Dawladaha Turkey, Isutagga Imaaraatka Carab, Talyaaniga, Sweden iyo Djabouti.

Beesha Caalamku waxay ugu hambalyeynaysaa dawladda Puntland iyo shacabkeeda guushii ay ka soo hooyeen dagaalkii ay la galeen Ururka Alshabaab, waxayna beesha caalamku ku baaqaysaa in wax alle iyo wixii taageero suurtagal ah la siiyo clidamada Amniga ee Puntland. Beesha caalamku waxay aqoonsan tahay kaalinta tiir dhexaadka ee Madasha Hogaamiyaasha Qaranka kaga aadan in masaalixda qaranka la dhawro korna loo qaado iyo doorka Barlamaanka ee ilaalinta shuruucda iyo dastuurka.

Wadahadal iyo wadaxaajood dhinacyo badan taabtay kadib waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobadan soo socda:

Meel marinta Doorashooyinka 2016.
Labada dhinac waxay ku heshiyeen in wax ku qaybsiga nidaam beeleedka 4.5 aan lagu soo xuli doonin Xildhibaanada Barlamaanka qaran, laguna dhaqmi doonin Soomaaliya wixii ka danbeeya 2016.

Dawladda Federaalka iyo dawladda Puntland waxay ku heshiyeen in la dhiso guddiyada doorashada ee 2016, ayna u dhan yihiin dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha Xubnaha ka ah.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in Beesha caalamku si dhawula soconayso hirgelinta doorashooyinka 2016, si loo helo hufnaan iyo sinaan.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen soo xulista iyo doorashada xubnaha Xildhibaanada golaha shacabka qaran inay ka dhacdo caasimadaha dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ergada dooranaysa Xildhibaanka qaran waa inay noqotaa Ergo lagu heshiiyey oo ay soo xulayaan madaxda dhaqanka ee Beesha xubintu ka soo jeeddo una soo gudbiyaan liiskooda guddiyada doorashada. Ergadu waxay ka koobnaan doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xubin kasta oo aqalka Hoose ee golaha shacabka qaran waxaa u tartamaya tiro xubno ah oo ay haween ka mid yihiin kuwaasoo ka soo jeeda Beesha xubinta leh, islamarkaana buuxiyey shuruudaha Xildhibaanimada oo ay hubiyeen guddiyada doorasho ee heer qaran iyo dawdaha xubnaha ah dawladda federaalka.
Xubin kasta oo noqonaysa Xildhibaan qaran waa inay buuxiso shuruudaha Xildhibaanimada ee dastuuriga ah.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamanka qaranka ay ku leeyihiin Beelihii ku bahoobey Puntland 1998, waxay doorashadoodu ka dhacaysaa Garoowe.

Cid kasta oo deeganadooda xaalad jirta awgeed aysan u ogolaaneyn in doorasho ka qabsoonto iyo cidii kale ee danaynaysa,
Liiska kama danbaysta ah ee xubnaha Aqalka hoose ee Barlamaanka qaran ka soo galaya Puntland waxaa saxiixaya Madaxweynaha dawladda Puntland marka ay guddiyada doorashooyinka u soo gudbiyaan natijada kama danbaysta ah.

Aqalka sare ee Barlamaanka:

Dhismaha aqalka sare waa inuu ka hormaraa dhisidda Aqalka hoose ee golaha shacabka qaran, sidii horey ay u soo jeedisay xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen xubnaha Puntland u galaya Aqalka sare ee golaha Wakiilada qaran oo meteleya dawladda Puntland, waxaa soo sharaxaya Xukuumadda Puntland, waxaana kala dooranaya golaha Wakilada dawladda Puntland.
Waa in xubin kasta oo Aqalka sare ee Baarlamaanka qaran ay u tartamaan tiro xubno ah oo ay ku jiraan Haween.

Xubinta noqonaysa Xildhibaan qaran ee Aqalka sare waa inay buuxiso shuruudaha xildhibaanimada ee dastuuriga ah.

Dawladda Federaalka iyo dawladda Puntland waxay ku heshiiyeen in xulidda xubnaha Xildhibaanada golaha Baarlamaanka qaran ee Aqalka sare in ay ka dhacdo caasimadaha dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka Somaalia.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen doorashada xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka qaran ee beelihii ku bahoobay Puntland 1998, in doorashadoodu ka dhacdo Caasimadda Puntland ee Garowe.

Liiska kama danbaysta ah ee xubnaha Aqalka sare ee Puntland waxaa saxiixaya Madaxweynaha dawladda Puntland, marka ay guddiyada doorashadu u soo gudbiyaan natiijada kama danbaysta ah.

Dawladda Federaalka iyo dawladda Puntland waxay u soo jeedinayaan madasha wadatashiga ee hogaamiyeyaasha qaran in ay go’aan ka gaaraan goobta ay ka dhacayso doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya si ay u doortaan meel munaasib ku ah amni.
Tubta Geedi-Socodka Doorashooyinka 2020 (Roadmap 2020)

Waxaa labada dhinac ku heshiyeen in doorashada sannadka 2020 ay ku dhacdo qaabka hal qof hal cod, mana jirto xaalad keeni karta in lagu noqdo nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 wixii ka danbeeya 2016.

Beesha Caalamku waxay damaanad qaadaysaa in nidaamka awood qaybsiga ee 4.5 aanu dib danbe ugu soo laabanayn hanaanka dawladnimo ee Soomaaliya wixii ka danbeeya sannadka 2016.

Damaanad Qaadka Heshiiskan iyo Hirgelintiisa.

Beesha Caalamku waxay hoosta ka xariiqday sii Wadidda wadahadalka u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland ee ku saabsan arrimaha dib u eegista dastuurka iyo Federaalismka, qaybsiga deeqaha caalamiga ah, horumarinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, wadashaqaynta iyo xoojinta arrimaha Ammaanka. Sidoo kale waxay dhiirigelinaysaa isla markaana taageeraysaa meel marinta qodobada heshiiskaas.

Heshiiskan ay wada gaareen dawladda Federaalka iyo dawladda Puntland waxaa hirgelintiisa damaanad qaad buuxda ka ah Urur goboleedka IGAD, waxaana markhaati ka ah Qaramada midoobay, Ururka midawga Africa (AU), Ururka midowga Yurub (EU) iyo Dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

saxiixayaal (1)

omar_gaas-740x493 17-740x494 15-740x493 14-740x494 13-740x494 12-740x494

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY