Daawo Sawirada:-Webiga Shabellee oo biyo keenay.

0
184

Webiga Shabelleoo mara Gobolo badan oo ka tirsan dalka ayaa biyo keenay kadib maalmihii la soo dhafay Biyihii webiga oo guray,waxaana arintaan si weyn u soo dhaweeyey dadka ku nool Hareeraha Jiinka Webiga iyo beeraleyda.

Dadweynaha ku nool Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa si weyn u soo dhaweeyey soo laabashada Biyha webiga shabeelle,waxaana Shacabka Jowhar ay soo buux dhaafiyeen Xiintooyada si markale ay u bilaabaan damaashaadka iyo dabaashii ay u soo aadi jireeen.

Markii ugu horeysay sanadkaan waxaa dadka ku nool Hareeraha webiga Shabeele ay arkeen webiga oo guray,waxa ayna dadka waaya jooga ay sheegeen in sdodomeeyo sano ka hor mar uu sidaan oo kale noqday.

Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka oo dhawaan ka hadashay webiga oo guray ayaa sheegay in Itoobiya ay qorsheysay in sanadka 2020-ka oo qalali doono webiga Shabelle.

xiintoyda-1 xiintoyda-5 xiintoyda-7 xiintoyda-10 xiintoyda-12 xiintoyda-14 xiintoyda-18 xiintoyda-19 xiintoyda-20 xiintoyda-21 xiintoyda-29

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY