Daawo Sawirada:-Mid ka mid ah Beelaha Dega Gobolka Shabeelaha dhexe oo Nabadoon Caleemasaartay.

0
815

Kulan ay ka soo qeybgaleen intabadan Nabadoonada Iyo Caaqilka Beesha Baadacade oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu Caleema Saaray Nabadoonka Guud ee Beelaha Moolkaal iyo Kaboole,waxaana Dhammaan dadkii ka hadalay Kulankaas ay isku raaceen in Nabadoonka la Caleema saaray uu yahay Midkii ugu wanaagsanaa ee loo doorto Nabadoon.

Nabadoon Axmed Muxumed Cabdi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeybgalka Caleema saarka Nabadoonka Beelaha Moolkaal iyo Kaboole,waxaa uuna qiray in Nabadoonka la cameelo saaray yahay mid karti iyo Hufnaan leh oo beelaha waxbadan u qaban karo.

Dr. Axmed Cabdulle oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Caleema Saarka Nabadoonka Guud ee Beelaha Moolkaal iyo Kaboole,waxa uuna alle ugu baryey in uu la qarab galo Xilka Culus ee loo Caleema Saaray.

Nabadon Axmed Cali Jimcale oo ka qeybgalay Caleema Saarka Nabadoonka Cusub ayaa Sheegay in uu aad u soo dhaweenayo Diyaarna u yahay in la shaqeeyo garabna istaago,waxa uuna Hoosta ka xariiqay in Beelaha Moolkaal iyo Kaboole ay doorteen Nabadoon aad u wanaagsan.

Shiikh Cali Muude Dayib oo ka hadlay kulanka Caleema Saarka Nabadoon Cabdi Abuukar Mahdi ayaa soo dhaweeyey Caleema Saarkiisa,waxa uuna sheegay in Nabadoonka uu yahay midkii uu dooranlahaa.

Caaqil Yuusuf Cali Cumar (Caaqil Dhagaxow) Caaqilka Guud ee eesha Baadacade oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey Caleema Saarka Nabadoon Cabdi Abuukar Mahdi oo loo doordtay Nabadoonka Guud ee Beelaha Moolkaal iyo Kaboole,waxa uuna sheegay in la toortay Shaqsigii mudnaa ee howshaan ka soo bix lahaa,waxa uuna si cad Caaqilka u sheegay in Beesha Baadacade ay soo dhaweyneyso Nabadoonka.

Nabadoon Cabdi Abuukar Mahdi oo ka hadlay Kulanka lagu Caleema saarayey ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeenayo Caddaalada iyo hormarka,waxa uuna xusay in Beelaha ladago ay kula dhaqmi doonaan walaaltinimo iyo is xushmeyn.

Beelaha Moolkaal iyo Kaboole oo Degta Gobolka Shabeelaha dhaxe ayaa waxa ay caan ku yihin Dhulka Beeraha Barwaaqada leh ee Bari iyo galbeedka ugu teedsan Webiga Shabelle gaar ahaan Halka lagu Maqacaabo Jaziiratul Sabca,waxaana lagu tilmaamay Gacanka Hodonka Dhulka Moolkaal iyo Kaboole.

IMG_4341 IMG_4344 IMG_4346 IMG_4348 IMG_4349 IMG_4350 IMG_4352 IMG_4353 IMG_4356 IMG_4358 IMG_4361 IMG_4373 IMG_4384 IMG_4386 IMG_4392 IMG_4405 IMG_4406 IMG_4416 IMG_4419

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY