Yuusuf Dabageed:-”Ergada Hiiraan ee ka qeybgaleysa Shirka Jowhar waa Diyaar”

0
175

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa markii ugu horeysay waxa uu sheegay in ergada Reer Hiiraan ee ka qeybgaleysa Shirka Jowhar la soo dhameystiray diyaarna u yihiin in ay ka qeybgalaan Shirka ka furan Jowhar.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo maanta ka qeybgalay Shir looga hadlayey Amniga ayaa sheegay”Waxaa la soo dhameystiray Ergada Reer Hiiraan ee ka qeybgaleysa Shirka Jowhar,Waxaa loo diyaarinaya tirada dhiman in dhawaan ay gaari doonaan Shirka,Howshaan wey soo dhamaatay,Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe Madaxweynaha loo doorto waxaa lagu caleema saarayaa Magaalada Baladweyne”ayuu yiri Gudoomiye Dabageed.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Jowhar ay soo gaareen Odoyaasha dhaqanka ee Rasmiga oo lagu wado in ay ka qeybgalaan Shirka Maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY