Al-Shabaab oo sheegatay Qarixii Gaalkacyo Saakay ka dhacay.

0
107

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Qarax ismiidam ahaa oo saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay qaraxa in uu bartilmaameed u ahaa Saraakiil ka tirsan Dawlad Goboleedka Putlaand, Isla markaasna ay la heleen bartilmaameedkoodii.

Cabdul Casiis Abu Muscab, Afhayeenka Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegay in ay dileen mid ka mid ah saraakiishii ay sida weyn u baadi goobayeen kaas oo uu sheegay in uu ahaa Madaxii Maaliyada ee Gobalka Mudug Dhinaca Putlaand.

Sheegashada Al-Shabaab oo ahayd jawaab Deg deg ah, ayaa imaaneysa todobaad ka dib markii uu Wasiirka Warfaafinta Putlaand sheegay, in Togga SUUJ oo ahayd goobtii ay ku dagaalameen Puntland iyo Al-Shabaab in ay ku dileen Ciidan badan oo ka tirsan Al-shabaab.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY