Taariiq Nololeedkii Axmed Teerso oo ka mid ah Halyeeyadii Somalia.

0
357

Gaashaanle-sare Axmed Xaaji Maxamuud oo loo yaqaano Axmed Teerso waxa uu ku dhashay jameecada Raaxaale oo ka tirsan degmada Jalalaqsi oo ka tisan gobalka Hiiraan sanadka marka uu ahaa 1935-kii, yaraantiisa waxa uu ku soo barbaaray jameecada raaxaale halkaas oo uu ka bilaabay barashada Qur’anka Kariimka. sanadka markuu ahaa 1950kii ayuu ka qalinjabiyay dugsiga qur’aanka isaagoo xafiday 114-ka Qur’aanka Karimka ah.

Sanadkii 1956-dii waxaa uu u soo amababaxay Muqdisho halkaas oo waxbarashadiisa cilmiga shareecada Islaamka iyo tafsiiraka Qur’aanka uu ka bartay isagoo waxbarashadiisa ku dhex jira ayuu sanadii 1958-dii bilaabay dugsiga sare ee Schoola desepline Islamic, wuxuuna ka qalinjabiyay 1962-dii, kaddib markii uu ka qeyb galay imtixaan adkaa oo la dhexdhigay arday Soomaaliyeed oo boqolaal gaareysay ayuu ku gudbay darajo aad u sareyso, waxaana loo qaatay Leyli sarkaal ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu waxbarasho u aaday dalka Masar sanadkii 1962-dii isagoo wax ka baranayay kulliyadii ciidmada ee Qaahira isagoo dalka ku soo laabtay 1965-tii, wuxuuna u dalacay darajada xidigle, waxaana loo badalay qeybta 26-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee magaalada Hargeysa isagoo loo magacaabay taliye horin ee ciidanka lugta.

Sanadii 1966-dii wuxuu u dalacay labo xidigle, sanadka marka uu ahaa 1968-dii ayaa loo soo badalay dugsiga tabarka ee Bootiko oo markii dambe loo bixiyey Xalane si uu ugu qaato tabar abaanduulenimo. isla sanadka 1968-dii waxa uu u dalacay dhamme waxaana loo badalay ururka taliska guud ee xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana lagu magacaabay madaxa waaxda ee hoggaanka saadka ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sanadka marka uu ahaa 1970-kii waxaa waxbarasho loogu diray dalkii la oran jiray Midawgii soviet-ka, gaar ahaan kulliyadda ciidmada ee dagaalka ee magaalada Moscow. Isagoo waxbarashadiisa ku dhexjiray sanadka markuu ahaa 1972-dii ayuu u dalacay Gaashaanle, afar sano kaddib markii uu soo dhameystay waxbarashadiisii u socotay 1970 ilaa 1974 ayuu dalka ku soo laabtay isagoo wata shahaadada cilmiga militariga ee sare, islamarkaana lagu maamuusay billad sharaf waxbarashadiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan aawgeed.

Bartamahii sanadka 1974-tii ayaa loo badalay qeybta 60aad ee Baydhabo, waxaana lagu magacaabay taliye-gaaskii fadhiisu ahaa magaalada Xudur ee gobalka Bakool islamarkaasna waxa uu u dalacay Gaashaanle dhexe.

Bishii july 1977-kii isagoo hogaaminayay ciidan lixaad leh wuxuu ka qeybgalay xoreyntii Somali-galbeed isagsoo dagaalkaas ku noqday gaashaanle sare. Gaashaanle sare axmed Teerso, isagoo dagaalamaya ayuu ku shahiidey buundada Godeey 16kii july 1977-kii isagoo lagu aasay isla goobta dagaalka uu ku geeriyooday. Shahiidnimadiisa waxaa lagu maamuusay bilad dahab ah iyo darajada gaashaanle sare.

Gaashaanle sare Axmed Xaaji Maxamuud Cismaan Cabdule wuxuu ahaa aqoonyahan bartay cilmiga militariga intaasna waxa u sii dheereeyd isagoo cilmiga shareecada Islaamka yaqaanay ‘ luuqadaha uu ku hadli jiray gaar ahaan luuqadda carabiga ee uu uga baxay dugsiga sare iyo kulliyada ciidmada ee dalka masar ‘ sidoo kale tan ruushka uu ku soo qaatay tababarkiisii uggu weeynaa ee ciidan.

Axmed Teerso dadkii ay wadashaqeeyn soo dhexmartay dhammaan waxay ku ammaaneen wanaag badan iyo nin aad dadka u tixgeliya iyo wadaninimo weyn oo ku jirtay, wuxuuna madaxweynihii hore ee Soomaaliya maxamed siyaad bare ku maamuusay taalo uu u dhisay Axmed Teerso.

Alle ha u naxariiste Axmed Teerso waxa uu ifka kaga tegay afadiisa Marwo Drs. Caasho Cali Isla-weyn iyo hal gabar oo lagu magacaabo Evalina Axmed Teerso.
Taariikhdaas oo kooban waxaan ka wareystay Sheekh Ibraahim Xaaji Maxamed Nuur oo deggan dalka Mareykanka magaalada Minneapolis.

W/Q:-Cabdulqadir Muse Xaaji Axmed (Cabdulqadir-duwe)

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY