Eng.Nadiifo Maxamed Cismaan oo kulan Balaaran la qaadatay Aqoonyahanada Beesha Baadacadde (Sawiro)

0
283

Kulan Balaaran oo ay soo agaasimeen Golaha Isbadalka Siyaasiyiinta Beesha Baadacade,laguna qabtay City Palace Hotel ayaa waxaa ka soo qeybgalay Aqoonyahanada,Siyaasiyiinta,Dhalinyarada,Haweenka,waxaana looga Hadlay Xaalado badan oo ku saabsan Isbadalada iyo Hormarka Beesha Baadacade.

Siyaasi Yuusuf Cali Faarax (Maskax) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha Baadacade oo ka hadlay kulankaani ayaa sheegay Ujeedka Shirka loo qabtay”Maanta Waxaa kulan gaar ah u soo agaasinay in ay Aqoonyahanada Beesha Baadacade ay kulan gaar ah la qaataan Eng Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiiradii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somaliya,Kulankaan Aqoonyahanada ka soo qeybgalay waxa ay sheegeen in Eng-da ay qabatay Shaqo Hormar leh,si weyna ay u taageersantahay Dhalinyarada Aqoonyahanada iyo Golaha Isbadalka Siyaasiyiinta Beesha Baadacade”ayuu yiri Yuusuf Maskax.

Gudoomiyaha Golaha Isbadalka Siyaasiyiinta Beesha Baadacade C/llaahi Cabsi Bariise oo ka hadlay Kulankaani ayaa sheegay in Muhiimad gaar ah ay leydahay in ay wada kulmaan Siyaasiyiinta iyo Dadka Mas’uuliyiinta ee ku jira Dowladda si looga wada hadlo Xaalado badan oo ku aadan dhanka Hormarka,waxaana kulankaan ku soo aaday xilli muhiim ah oo loo diyaargaroobayo Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Eng Nadiifo Maxamed Cismaan Wasiiradii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somaliya oo khudbad dheer u Jeedisay Aqoonyahanada Beesha Baadacade ayaa sheegtay in ay aad ugu Faraxsanyahay in ay ka soo qeybgasho kulankaan oo wax yaabo badan lagu lafaguray.

Eng-da ayaa sheegtay”Maanta in aan la kulmoo Aqoonyahanada Aad ayee ii farxad galineysaa,Waxaan arkayaa Iftiin iyo Mustaqbal Ifiya oo leh Himilooyin iyo Han weyn oo keeni kara Isbadal in aan Gaarno,Waxaa u taaganahay mar walba in aan gaarno Ujeedkeena,Maanta Aqoonyahanada Isbadal ayee keeni karaan,Waxyaabaha aan qabtay Halkaan laguma soo koobi karo,Golaha Isbadalka Siyaasiyiinta Beesha Baadacade Guul ayaa u rajeenayaa” ayee tiri Eng Nadiifo Cismaan.

Kulankaan oo si gaar ah Khudbad dheer ay ka jeedisay Eng Nadiifo Cismaan ayaa Aqoonyahanada waxa ay u sheegtay in Halgan dheer ay u soo gashay sidii lagu helilahaa in Aqoonyahano badan la helo.

Aqoonyahanada oo Su’aalo weydiiyey Eng-da ayaa ka Jawaabo hufan ka bixisay Su’aalihii la weydiiyey,waxa ayna Hoosta ka xariiqday in la badin doono kulamada Noocaan oo kale.

Kulankaan ayaa Ujeedka ugu weyn ee loo qabtay waxa uu ahaa in Eng.Nadiifo Maxamed Cismaan ay la hadasho Aqoonyahanada Iyo Siyaasiyiinta Beesha Baadicade,uguna warbixiso Marxalada iyo Siyaasadda Dalka Meesha uu marayo.

Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-1-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-2 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-3-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-4-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-5-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-7-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-9-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-11-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-12-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-13 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-14-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-16-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-17-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-18-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-19-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-20-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-21 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-21-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-22-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-23-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-24-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-25 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-28 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-29-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-31-768x432 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-32 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-39 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-43 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-44 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-46 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-47 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-48 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-49 Kulan_Aqoonyahanka_Baadacade-51

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY