Daawo Sawirada:-Xisbiga Midnimo Qaran oo Doortay Hogaan Cusub.

0
228

Waxaa Si Wada jir ah Shir Jaraaid ugu qabtey magaalada Muqdisho Gudoomiyihii hore Xisbiga Midnimo Qaran Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow) iyo Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi , wuxuuna Shirkaas Jaraaid ujeedkiisu ahaa Xil Wareejin .

Ugu Horeyn Waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyhii hore Xisbiga Midnimo Qaran Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow) oo sheegey in aad ugu Faraxsan yahay in uu Xilkii Xisbiga Midnimo qaran uu ku Wareejiyo Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Cabdirisaaq Waaberi oo uu ku tilmaamey Shaqsi Hogaamin kara Xisbiga lehna Khibrad iyo Waayo aragnimo
“ Xil Wareejintaan waxay ku tuseysaa sida Xisbiga uga go’an tahay in Hogaanka uu noqdo mid Dimoqaraadi ah oo la wada leeyahay “ sidaa Waxaa yiiri Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Midnimo Qaran Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow) oo u soo jeediyey Gudiga Fulinta , Golaha dhexe iyo Taageerayaasha in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Cabdirisaaq Waaberi.

Waxaa isna halka hadey Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi oo u Mahadceliyey Gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Baadiyow oo uu ku tilmaamey Shaqsi doonayey in Isbedel lagu sameeyo Xisbiga isagoo halkaa ka balan qaadey in uu Xisbiga ku hogaamin doono Wado sax ah oo ummada Soomaaliyeed Wax tar u ah .

“ Marka hore Xilka waa uu adag yahay wuuna Guda Balaaran yahay hase yeeshee waxaa looga bixi karaa Wada tashi iyo in lala yimaado hal-abuur si Xisbiga uu u gaaro ujeedooyinkiisa “Sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran Cabdirisaaq Cabdulaahi Waaberi oo sheegey in Xisbiga Howlahiisa u dardargelin doono.

Xisbiga midnimo Qaran wuxuu si farxad iyo reyn reyn leh u soo dhaweynayaa Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran Cabdirisaaq Waaberi ,wuxuuna u rajeeyey in uu ku Guuleysto Xilkaas loo idmadey sidoo kale Xisbiga wuxuu u Mahadcelinayaa Gudoomiyihii hore Dr Cabdiramaan Baadiyow oo noqdey Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Madasha Wadaniga

Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Midnimo Qaran Cabdirisaaq Waaberi waa aqoonyahan muddo ka shaqeynayey Urura bulshada rayidka kana soo mid noqday Xisbiyada waaweyn ee Dalka Sweden isagoo sannadihii (2010- 2014) ka mid noqdey Baarlamaanka Wadanka dalka Sweden.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

1-6 2-1 3-3 4-6 5-4

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY