Aqoonyahanada Beesha Baadacade oo yeeshay Dood Cilmiyeed looga hadlay Ayaaha Beesha (Sawirro)

0
192

Magaalada Muqdisho Waxaa markii ugu Horeeyey lagu qabtay Kulan Dood Cilmeed ah oo looga hadlay Arimaha Caafimaadka,Wabarashada,Dhaqaalaha,Hormarka,Siyaasadda,Dhaqanka,Hiigsiga Siyasadda Beesha Baadacade ee 2016-ka,sida wax looga qabankaro Dhibaatooyinka Bin’aadanimo ee ka jira Deegaanada ay degto Beesha Baadacade.

Aqoonyahanka ka soo qeybgalay Dood Cilmiyeedkaan oo gaarayey in ka badan Boqol Qof ayaa loo qeybiyey Todobo kooxood oo ka dooday Ciwaano kala duwan,waxa ayna Goobta ka jeediyeen Dooda ay yeesheen waxa ka soo baxay iyo waxa ay isleeyihiin waa lagu hormarinkaraa Beesha.

Dood Ciliyeedkaan oo ahaa kuu ugu Horeeyey ee Noociisa ee loo qabto Aqoonyahanada Beesha kana hadlaan Masiir iyo Meesha ay u socoto Beesha ayaa waxaa Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay doodaan ay tahay in helo Siyaasad Cad oo lagu hagi karo Beesha.

Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanad Eng Nadiifo Maxamed Cismaan,Golaha Isbadalka Siyaasadda,Ururka Dhaqaatiirta,Ururka Haweenka,Ururka Aqoonyahanada waxa ayna dhammaantood ay la dhaceen Habka Dood Cilmiyeedka u dhexmartay Aqoonyahanada Beesha Baadacade.

Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro Siyaasadda Guud ee lagu hagayo Beesha iyo Meesha ay u socoto Beesha,waxaana Goobta laga balan qaaday in dhawaan Dhaqaatiir ka soo jeeda Beesha ay Magaalada Muqdisho ka hirgalindoonaan Isbitaal,waxaana loo diyaargaroobayaa Gurmadka Dhibaatooyinka Bin’aadanimo ee ka jirto Deegaanada ay Beesha Degto.

Dood Cilmiyeedkaan oo lagu qabtay City Plaza Hotel ayaa dhammaan Aqoonyahankii ka soo qeybgalay Waxa ay isku raaceen in Talabadaan ay tahay waddadii hormarka oo Cagta la saaray,waxa uuna kulankaas ku soo dhamaaday Guul.

Dood_Wadaag_Baadacade-1 Dood_Wadaag_Baadacade-2 Dood_Wadaag_Baadacade-4 Dood_Wadaag_Baadacade-5 Dood_Wadaag_Baadacade-6 Dood_Wadaag_Baadacade-7 Dood_Wadaag_Baadacade-8 Dood_Wadaag_Baadacade-9 Dood_Wadaag_Baadacade-10 Dood_Wadaag_Baadacade-11 Dood_Wadaag_Baadacade-12 Dood_Wadaag_Baadacade-13 Dood_Wadaag_Baadacade-15 Dood_Wadaag_Baadacade-16 Dood_Wadaag_Baadacade-17 Dood_Wadaag_Baadacade-18 Dood_Wadaag_Baadacade-19 Dood_Wadaag_Baadacade-20 Dood_Wadaag_Baadacade-21 Dood_Wadaag_Baadacade-22 Dood_Wadaag_Baadacade-23 Dood_Wadaag_Baadacade-24 Dood_Wadaag_Baadacade-25 Dood_Wadaag_Baadacade-26 Dood_Wadaag_Baadacade-27 Dood_Wadaag_Baadacade-28 Dood_Wadaag_Baadacade-29 Dood_Wadaag_Baadacade-30 Dood_Wadaag_Baadacade-31 Dood_Wadaag_Baadacade-32 Dood_Wadaag_Baadacade-33 Dood_Wadaag_Baadacade-34 Dood_Wadaag_Baadacade-35 Dood_Wadaag_Baadacade-36 Dood_Wadaag_Baadacade-37 Dood_Wadaag_Baadacade-38 Dood_Wadaag_Baadacade-39 Dood_Wadaag_Baadacade-40 Dood_Wadaag_Baadacade-41 Dood_Wadaag_Baadacade-42 Dood_Wadaag_Baadacade-43 Dood_Wadaag_Baadacade-44 Dood_Wadaag_Baadacade-45 Dood_Wadaag_Baadacade-46 Dood_Wadaag_Baadacade-47 Dood_Wadaag_Baadacade-48 Dood_Wadaag_Baadacade-49 Dood_Wadaag_Baadacade-50 Dood_Wadaag_Baadacade-51 Dood_Wadaag_Baadacade-52 Dood_Wadaag_Baadacade-53 Dood_Wadaag_Baadacade-54 Dood_Wadaag_Baadacade-55 Dood_Wadaag_Baadacade-56 Dood_Wadaag_Baadacade-57 Dood_Wadaag_Baadacade-58 Dood_Wadaag_Baadacade-59 Dood_Wadaag_Baadacade-60 Dood_Wadaag_Baadacade-62 Dood_Wadaag_Baadacade-63 Dood_Wadaag_Baadacade-64 Dood_Wadaag_Baadacade-65 Dood_Wadaag_Baadacade-66

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY