Afar Caruur ah oo Degmada Jalalaqsi ugu dhimatay Cudurka Shuban Biyoodka.

0
98

Sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeynka Koowaad ee Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Madoobe Nuur,waxaa Degmadaasi ku dhintay Afar caruur ah oo la sheegay in ay u dhinteen Cudurka Shuban biyoodka.

Ibitaalka Degmada Jalalqsi oo in muddo ah xirnaa ayaa markii uu dilaacay Shubanka waxa ay shacabka Degmada isku xilsaareen in ay dib boorka ugu jafaan,waxaana haatan la seexiyey 21 qof oo la iildaran Cudurka Shuban biyoodka.

Illaa iyo Hadda ma jirto Cid ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo gaartay Degmada Jalalqsi,waxa ayna arintaan ku soo aadeysaa xilli Webiga Shabelle ay biyihii ka gureen,waxaana Degmada Jalalaqsi mara Webiga Shabelle.

Dadka uu soo ritay Cudurka Shubanka ayaa qaarkood waxaa laga keenay Tuulooyinka ku dhow dhow Degmada Jalalqsi,waxaana muuqata in ay ay sii kordhayaan tirada uu soo ridanayo Cudurka Shuban Biyoodka.

Xiliyadda kuleylaha Waxaa intabadan Dalka ka dilaaca Cudurka Shuban biyoodka,waxaana sanadkaan u sii dheer Biyo yar soo wajahday dadka ku nool agagaarka webiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY