Soomaalidu waa kala socotaaye iskuma soo socoto (Faallo Dulyar)

0
263

Soomaaliya waa Jamhuuriyad ka xorowday gumeysigii kala qob qobayay 1960-kii,islamarkaana go’aansaday iney midoobaan 1-dii Luulyo 1960-kii iyaga oo isku qaba hilow iyo is jaceylna si wadajir ah u yagleelay dowlad Soomaaliyeed oo ka madax banaan gumeystihii ay hor kacayen Talyaaniga iyo Ingiriisku.

Lama qiyaasi Karin maal mahaa faraxada iyo damaashaadka ka dhacayay gayiga soomaaliya,oo malaha waxa ayba u aheyd dhalashadoodii,isu hambalyeynta iyo niyadsamiduna waxa ay gaar siisneyd fikta sare oo dad baa farxad daraadeed la ilmeynayay kuwa ayaa u miir daboolmay kuwa kalena waaba u geeriyoodeen sida aan ka soo wariyay dadkii barigaa dhacdadaasi taariikhiga ah goob jooga u ahaa.

Gobolkii ugu horeeyay oo xornimada qaatay waxa uu ahaa Gobolada Waqooyi, waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii Juun sanadii 1960kii, Gobolada Koonfureed iyo Gobolada Waqooyi Bari iyana waxaa ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii. Taasoo dhan kale ku asteysan midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Dhan kale Shirkii gumeestayaasha Afrika ee lagu qeybsaday Qaaradaan ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5 qeybood waxaana shantaasi qeybood ay kala ahaayeen:

• Somaliland oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska.
Gobolada koonfurta oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga.
• Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska.
• N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiinya.
Iyo gobolada Soomaali Galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya. shantaan gobolna waxaa la isku oran jiray shanta Soomaaliya. taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii Juun sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta Soomaalida ka maqan Soomaali galbeed iyo N.F.D.

Waan hubaa in ay weli jiraan dad Soomaaliyeed oo rumeysan in ay Goboladaas ka maqan yihiin oo ay iyagu iska leeyihiin,,hase yeeshee ma doonayo in aan ku sii fogaado ka hadalkooda maadaama aan xarigeenaba xoolo ku jirin oo iska daa kuwa maqane iminka laga cabsi qabo in ay kuwa kaloo hor lehi si maskixiyan ah faraheena uga baxaan.

Markiise uu burburku ka dhacay dalka waxaa midowgii Soomaaliya sheegay iney ay dib ugala noqdeen Gobolada Waqooyi oo markii horaba sabab u ahaa Midowga kuwaasoo la baxay Soomaaliland,sidoo kale waxaa iyana maamul u gaara ku dhawaaqay Gobolada Waqooyi Bari oo la baxay Maamulka Putland, inkastoo aaney iyagu sida Soomaaliland gooni isku taagin oo ay weli ka mid yihiin Soomaaliya, hadana waa maamul marna la saaxiiba marna u goodiya hadba madaxda dowlada dhexe.

Labadaa dhacdo oo kala hanka iyo kala midabka ah wixii ka danbeeyay xaalku waxa uu ahaa mid faraha ka sii baxayay, waxaana maalin walba nala soo bararayay Calan hor leh iyo Madaxweyne maamul, mana jirin markii hore dareen weyn oo laga qabay maamulada dhismaya,maadaama dalka aaney ka jirin dowlad adag oo dabooli karta baahiyaha aasaasiga ah ee ay tabayaan dadkaa u wada dareeray dhismaha maamulada goboladooda, Waxaanse shaki ku jirin in lagu jaheeyay bulshada in maamul uu yeesho qabiilkoodu uu ka wanaagsanaan doono kan ay ka sugayaan Qaran Soomaliyeed oo dib loo taago,.maadaama aaney fahamsaneyn macnaha Federaalkana waxa ay ka dhigteen qiil ay ku cunsiri- yadeeyaan cidii aan u dhalan deegaankooda amaba ay kaga baxi karaan hadii loo baahdo ayuutada Soomaaliya .

Waxa uuna u muuqdaa arinkani mar hadey Soomalidu ka soo gudubtay nidaamyo taxane ahaa oo lagu soo tijaabiyay sanadihii la soo dhaafay, sida Gacan ka hadalkii Qabaa’ilada,Hogaamiye kooxeed,dagaal diimeedyo iyo kuwa kaloo xiriirsanaa,oo aanaan kaga soo bixin xeelad iyo caqli nagu jiree aan uga xamdi naqeyno Rabi siduu nooga soo siraad korshay. in mar kale maskaxda dadka loogu shubo qorshe cusub oo ay wataan wadamadii loo xil saaray baabi’nta Soomaaliya,hadana lagu aaminay soo diyaarinta dastuurkan qabyadaahi waxa ayna ku soo xariiqeen nidaamka Federaalka ah,in laga hirgaliyo soomaaliya,si uu dalka uga curto KACAANKII MURAN DHULEEDKA, iskuna qabqabsadaan madaxweynayaal tira beel ahi,iyadoo ujeedadu tahay in aan marnaba la arag cudud mideysan oo Soomaaliyeed.

Xikmad baa oraneysa “if you never learn from your mistakes, you tend to repeat it” hadii aadan qaladaadkaaga hore wax kabaran, qofkii ku soo celiyaad tahay” hada ,weli waxaad moodaa in aynaan wax ka baran wixii la soo maray laguna sii socdo qalad kale oo ka mug iyo miisaan badan qaladaadkii na soo daashaday,.kaasoo ah hanaanka Federaalka ah oo maanta si indha la’aana ugu sii faafaya dalka,malaha waxaaba habooneyd hadiiba laga maamrmi waayay ama lagu soo qasbay Madaxdeena laguna soo qoray Dastuurka, in marka hore dadka loo macneeyo oo la baro dabadeedna la kala dooran siiyo nooca ay qaadanayaan,balse hada waxa ay u saan saan egtahay in loo fahmay Qabiil kastoow xaafadaada oodo, Gobol Dagmo iyo Tuulo sidaad rabtana u dhaqan waana taa mida aan ka cabsi qabo.

Tan kale waxaad moodaa in Dowlada dhexe iyo Baarlamaankuba gabeen kaalintii kaga aadaneyd ka hortaga masiibadaan,iyo nidaaminta xeerarka Faderaalka ah iyo Maamulada dalka mudadii sanad iyo barka aheyd ee ay shaqeynayeen, halka ay taa badalkeeda ku baraarugaan iminka marka qabiil ku dhawaaqo maamulkiisa,hadiise markaa halkii uu ka sugayay taageero uu ka helo dowlada dhexe ay kala hor timaado diidmo,sow markaa suurtagal maaha in ay hadana kacdo duufaanta kalsoonida Qabaa’ilada iyo dowlada dhexe.

Hadaba si aanuu u dhicin arinkaasi waxaa lagama maarmaan ah inta ay goori goor tahay in ay Dowlada dhexe la timaado qorshe cad oo ku aadan nidaamka Federaalka iyo suurta galnimada hirgalintiisa,waayoo waxaa weli soo kuur kuursanaya kuwa kaloo hor leh sida Ex Banaadir, oo lagu wado in ay ku midoobaan gobolada Banaadir,Sh/Hoose,iyo Sh/dhexe. lagana yaabo in lagu dhawaaqo maalmaha soosocda,shakina kuma jiro in halbeega muranka uu ka sara mari doono kan lagaga dhawaaqay K/galbeed oo abuuray muranka kala dhexeeya QM,Igad,Dowlada dhexe,Jubaland,iyo Siyaasiyiinta ku abtirsada maamulkaasi.

Tan kale bilowgii horeba Goboladii u sii diyaargaroobay qaadashada federaalka ma aha fariimaha ka soo baxaya kuwa u wanaagsan dhagaha Soomaalida kale sida, 1:- dadka aan u dhalan deegaanadaan waa in ay isaga baxaan waqti cayiman, 2:-Waa in ay isi soo diiwaan galiyaan dadka aan ku abtirsan beelaha daga deegaankan,3:- waxa amni darada nagu haya waa dadka ka soo jeeda deegaanada kale ee nagu dhex nool, iyo hadala kaloo dhamaantood ifinaya kala sooc iyo kala lahaansho, Amaba sida hadaba dhacday uu abuurmo muran dhuleed iyo is qabqabsi maamul oo aakhirka sabab u noqda in albaabo badan oo hada furan lakala ooto, dibna loo maquurto dagaalkii dhulka oo ah malaha mid ka mid ah dagaalada noo harsan.

Markase aad damacdo inaad dhaliisho dhibaatadaas muuqata, dad baa laga yaabaa in ay la soo boodaan eedo iyo hadalo tag taagan oo aan meelna cuskaneyn si ay u difaacaan fool xumada ay ku dhex jiraan, balse marnaba lama diidi karo marxalada lagu jiro awgeed hadii muwaafaqo lagu yahay in gobol walba ay dadkiisu xalistaan,iyadoo aan lagu xadgudbeyn xuquuqda dadka kale ee ku dhex nool isla markaana meel shishe wax ka eegaya inta ay ka soo kabaneyso Soomaalidu.

Ugu danbeyntii, barya dhaweyd waxaa socday oo la hadal hayay wada hadalo ku saabsan Soomaaliya iyo Soomaaliland, oo looga gon lahaa sidii mar labaad wax ka duwan sidii hore loogu hishiin lahaa,la isuguna soo jiidi lahaa Soomaalidii kala tagtay bari hore. Inkastoo saluug badani ka jiray halkaa hadana hadii sida hadaba socota lagu sii kala tago dhanka Koonfureed oo qabiil walbaa dhulkiisa xariiqdo,dowlad xakameysana la waayo, halkii la doonayay Koonfur oo mideysani in ay u gagol fadhiisato walaalaha Waqooyi, sow lama oran karo waa lakala socdaaye la iskuma soo socdo.!!!

DH A M A A D

A/dukadir M.Farah Dulyar
Senior Somali Journalist
Dulyar23@Gmail.com
Mogadishu/ Somalia

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY